Jadwalka Labaad (D)
Awoodaha u gaarka ah Dawladaha Hoose
28 items
Awoodaha Guud
-
(1)
Iskuduwidda iyo habsami u socodka hawlaha maamulka degmada.
-
(2)
Naqshadaynta degmada, ruqsadaha dhul bixinta iyo dhismooyinka.
Dhaqaalaha
-
(3)
Qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta dhaqaalaha Degmada.
-
(4)
Dhawrista deegaanka.
-
(5)
Maamulka goobaha iyo astaamaha taariikhiga ah ee degmada.
-
(6)
Ururinta canshuuraha iyo ilaha dakhliga gaarka u ah dawladaha hoose.
-
(7)
Bixinta shatiyada goobaha ganaciga.
-
(8)
Suuqyada iyo kawaannada.
-
(9)
Kalluumeysiga maxaliga.
-
(10)
Nidaaminta iskaashatooyinka.
Gaadiidka iyo Kaabayaasha
-
(11)
Nidaaminta gaadiidka dadweynaha ee degmada.
-
(12)
Dhisidda, dayactirka iyo iftiiminta waddooyinka.
Amniga iyo Caddaaladda
-
(13)
Maamulidda amniga iyo xasiloonida degmada.
-
(14)
Ilaalinta anshaxa iyo asluub wanaagga dadweynaha.
Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada
-
(15)
Kobcinta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.
-
(16)
Horumarinta Isbitaallada hooyada iyo dhallaanka.
-
(17)
Goobaha adeegyada caafimaadka sida farmashiyada iyo adeegga embalasyada.
-
(18)
Nadaafadda iyo fayadhawrka deegaanka sida qashinka, wasakhda iyo sunta iyo wixii la mid ah (IWM).
-
(19)
Kormeerka tayada cuntada, hoteellada, maqaayadaha iyo guryaha dadweynaha.
-
(20)
Nidaaminta xabaalaha.
-
(21)
Adeegyada xannaanada xoolaha.
-
(22)
Horumarinta iyo tayaynta arrimaha debdemiska.
-
(23)
Korjoogtaynta adeegyada korontada iyo biyaha.
-
(24)
Maamulka arrimaha dhaqanka, beeraha nasashada iyo xeebaha.
-
(25)
Diiwaangelinta dhalashada, dhimashada, guurka, furriinka iyo bixinta wareegaha sugnaanta dhalashada.
Waxbarashada
-
(26)
Maamulka waxbarashada ee dugsiyada hoose iyo dhexe.
-
(27)
Waxbarashada dadka waaweyn.
-
(28)
Fulinta siyaasadda waxbarashada Islaamka ee aasaasiga ah sida dugsiyada Qur'aanka iyo masaajidda.
