Jadwalka Labaad (A)
Awoodaha u gaarka ah Dawladda Federaalka
40 items
Awoodaha Guud
-
(1)
Ilaalinta iyo difaaca Dastuurka.
-
(2)
Ilaalinta midnimada dalka iyo madaxbannaanidiisa.
-
(3)
Aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
-
(4)
Arrimaha dibedda iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.
-
(5)
Axdiyada caalamiga ah iyo heshiisyada laba dhinaclaha ah ee lala galayo dawladaha iyo hay'adaha caalamiga ah.
-
(6)
Arrimaha jinsiyadda iyo socdaalka.
-
(7)
Siyaasadda ilaalinta Diinta iyo Awqaafta.
-
(8)
Ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha uu Dastuurka federaalka dammaanadqaadayo.
-
(9)
Diiwaangelinta iyo aqoonsiga qaran ee dadweynaha.
-
(10)
Ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.
-
(11)
Diiwaangelinta iyo ilaalinta xuquuqda hal-abuurka.
-
(12)
Shaqaalaha Rayidka ah ee heer federaal.
-
(13)
Halbeegyada la xiriira cabiraadda iyo miisaanka.
Dhaqaalaha
-
(14)
Qorshaha qaran ee horumarinta dhaqaalaha.
-
(15)
Arrimaha la xiriira lacagta.
-
(16)
Istatistikada Qaranka.
-
(17)
Wabiyada isku xiraya laba dawlad goboleed ama ka badan ama ka imaanaya dibedda xudduudaha geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
-
(18)
Siyaasadda iyo shuruucda ganacsiga dibedda.
-
(19)
Maalgashiga caalamiga.
Maaliyadda
-
(20)
Canshuuraha kastamka, xuduudaha iyo ganacsiga caalamiga ah.
-
(21)
Canshuuraha dakhliga shirkadaha waaweyn ee heer qaran iyo kuwa caalamiga ah.
-
(22)
Canshuuraha tubaakada, buuriga iyo alaabooyinka kale ee uu Baarlamaanka Federaalka ku soo rogo cashuuraha gaarka ah.
-
(23)
Canshuurta moorka heer federaal.
-
(24)
Canshuurta waddamarista ee qaybta waddooyinka u kala goosha dawlad goboleedyada.
-
(25)
Canshuurta faa'iidada raasumaalka ee laga helo libka ama maalgashiga.
-
(26)
Dakhliga ka soo xarooda khayraadka dabiiciga ah.
-
(27)
Khidmadaha kale ee gaar ah oo uu jideeyey xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka.
-
(28)
Deeqaha caalamiga ah iyo amaahda dibedda ama gudaha ee magac Dawladda Federaalka lagu helo.
-
(29)
Go'aaminta ilaha dakhliga, soo saarista canshuuro u gaar ah dawlad goboleedyada iyo dajinta, ansixinta iyo maamulidda miisaaniyadda guud ee federaalka.
Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Kaabayaasha
-
(30)
Dekadaha iyo garoommada diyaaradaha caalamiga ah.
-
(31)
Waddooyinka isku xira labo dawlad goboleed ama ka badan.
-
(32)
Maamulka duulista hawada iyo badda.
-
(33)
Boostada, koodka Soomaaliya ee (252), koodka internet-ka (.SO), astaynta mowjadaha maqal iyo maqal-aragga, siyaasadda ammaanka internet-ka ilaalinta xogta.
Amniga iyo Caddaaladda
-
(34)
Difaaca qaranka iyo Ciidanka Xoogga Dalka.
-
(35)
Dhisidda Ciidanka Booliiskaa Federaalka ah iyo Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
-
(36)
Nidaaminta hubka fudud iyo saanadda ee gaarka loo leeyahay.
-
(37)
Tayadhawrka agabka, dawooyinka iyo cuntada.
-
(38)
Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka.
-
(39)
Nidaaminta iyo maamulka xarumaha qaran sida: - Matxafyada; - Maktabadaha; iyo - Tiyaatarrada iyo garoommada ciyaaraha.
Waxbarashada
-
(40)
Dejinta manhajka, tababbarka macalimiinta iyo imtixaannada shahaadiga ee dugsiga sare.
