Jadwalka Labaad (C)
Awoodaha u gaarka ah Dawlad Goboleedyada
25 items
Awoodaha Guud
-
(1)
Soo saaridda iyo ku dhaqanka dastuur iyo xeer u gaar ah dawlad goboleedyada oo aan ka hor imaanayn Dastuurka iyo xeerarka Federaalka.
-
(2)
Qorshaha horumarinta reer miyiga.
-
(3)
Shaqaalaha Rayidka ah ee dawlad goboleedka.
-
(4)
Diyaarinta iyo maamulidda miisaaniyadda dawlad goboleedka.
-
(5)
Diiwaangelinta shirkadaha ka shaqeeya dawlad goboleedka.
Maaliyadda
-
(6)
Canshuuraha dhulka, hantida maguurtada ah iyo isticmaalka dhulka.
-
(7)
Canshuurta moorka ee heer dawlad goboleed.
-
(8)
Canshuurta kala wareejinta hantida.
-
(9)
Khidmadaha dhulbeereedyada iyo suuqyada ku yaalla dawlad goboleedyada.
-
(10)
Canshuurta waddamarista ee heer dawlad goboleed.
-
(11)
Khidmada ruqsadda wadista gaadiidka.
-
(12)
Khidmadda ruqsadda summada gaadiidka.
-
(13)
Lacagaha iyo khidmadaha adeegga bulshada ee gobolka ama degmada.
-
(14)
Dakhliga laga helo maalgashiga iyo adeegyada ganacsiga ee dawlad goboleedka.
Gaadiidka iyo Kaabayaasha
-
(15)
Garoommada diyaaradaha ee maxaliga.
-
(16)
Dhisidda iyo dayactirka waddooyinka dawlad goboleedyada.
-
(17)
Maamulka warfaafinta iyo isgaarsiinta dawlad goboleedyada.
Amniga iyo Caddaaladda
-
(18)
Dhisidda iyo maamulidda ciidanka booliiska, maxkamadaha kore iyo maxkamadaha hoose ee dawlad goboleedka.
Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada
-
(19)
Nidaaminta iyo korjoogteynta isbitaallada iyo goobaha caafimaad.
-
(20)
Nidaaminta iyo maamulka xarumaha dawlad goboleed sida: - Maktabadaha; - Matxafyada; - Beeraha nasashada; - Xarumaha hiddaha iyo dhaqanka; - Dalxiiska iyo xeebaha; iyo - Tiyaatarrada iyo garoommada ciyaaraha.
-
(21)
Dhaqangelinta siyaasadda diiwaangelinta dhalashada, dhimashada, guurka, furriinka iyo bixinta warqadaha aqoonsiga.
-
(22)
Horumarinta dhallinyarada iyo isboortiga dawlad goboleedka.
Waxbarashada
-
(23)
Qorshaha horumarineed iyo baahinta waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.
-
(24)
Imtixaanaadka iyo shahaaddada dugsiyada hoose/ dhexe.
-
(25)
Maamulidda dugsiyada sare iyo macaahidda farsamada gacanta.
