Jadwalka Labaad (B)
Awoodaha Wadaagga ah
41 items
Awoodaha Guud
-
(1)
La dagaallanka nabaadguurka, ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.
-
(2)
Arrimaha shaqaalaha gaarka ah.
-
(3)
Horumarinta iyo kobcinta awoodaha maamullada dawladaha hoose.
-
(4)
Warfaafinta.
-
(5)
Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.
-
(6)
Ilaalinta ilaha iyo kaydka biyaha.
-
(7)
Horumarinta xannaanada xoolaha.
-
(8)
Qorshaha horumarineed ee waxbarashada iyo ilaalinta tayadeeda.
-
(9)
Siyaasadda diiwaangelinta dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka.
-
(10)
Siyaasadaha qaran ee arrimaha dhulka iyo badda.
-
(11)
Siyaasadda qaran ee mihnadleyaasha iyo ruqsadahooda.
Dhaqaalaha
-
(12)
Ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.
-
(13)
Siyaasadda guud ee tamarta iyo biyaha.
-
(14)
Siyaasadda beeraha, waraabka iyo cilmibaarista.
Maaliyadda
-
(15)
Canshuurta gadista/libka.
-
(16)
Canshuuraha macaashka shakhsiga.
-
(17)
Canshuurta macaashka guryaha.
-
(18)
Canshuurta macaashka shirkadaha.
-
(19)
Khidmadaha mihnadaha/karaanka.
-
(20)
Canshuurta diiwaangalinta qaansheegadka iyo heshiisyada.
Gaadiidka iyo Kaabayaasha
-
(21)
Arrimaha dalxiiska.
-
(22)
Goobaha iyo astaamaha taariikhiga ah.
-
(23)
Beeraha iyo waraabka.
-
(24)
Kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
-
(25)
Diiwaangelinta iyo bixinta taarkada iyo ruqsadda gaadiidka.
-
(26)
Ruqsadda gaari wadista.
-
(27)
Nidaaminta ganacsiga u dhexeeya dawlad goboleedyada.
-
(28)
Siyaasadda gaadiidka dhulka, badda iyo cirka.
Amniga iyo Caddaaladda
-
(29)
Faldembiyeedyada abaabulan.
-
(30)
Arrimaha xabsiyada.
Caafimaadka, Waxbarashada iyo Adeegyada Bulshada
-
(31)
Tallaalka iyo ka hortagga cudurrada faafa.
-
(32)
Siyaasadda qaran ee caafimaadka.
-
(33)
Taabbagelinta siyaasadda qaxootiga, magangeliyadoonka iyo barakacayaasha.
-
(34)
Bixinta adeegyada tamarta iyo biyaha.
-
(35)
Ilaalinta tayada iyo korjoogteynta adeegyada caafimaadka.
-
(36)
Tayaynta kulliyadaha caafimaadka, iskuullada kalkaaliyayaasha iyo xirfadleyda caafimaadka.
-
(37)
Arrimaha daryeelka qoyska iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabo.
-
(38)
Daryeelka barakacayaasha.
-
(39)
Daryeelka bulshada.
-
(40)
Waxbarashada dalka.
-
(41)
Tacliinta sare, tiknoolijiyadda iyo hay'adaha cilmibaarista.
