Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 13: NIDAAMKA MAALIYADDA GUUD
(CHAPTER 13: FISCAL FEDERALISM)
Somali (Original)

Qodobka 168aad: Awoodaha Maaliyadda ee Heerarka Dawladda

(1) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay leedahay awoodaha maaliyadeed ee gaarka ah ee ku xusan Jadwalka Labaad (A) ee Dastuurka.

(2) Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyadu waxay leeyihiin awoodo maaliyadeed oo wadaag ah ee ku xusan Jadwalka Labaad (B) ee Dastuurka.

(3) Dawlad goboleedyadu waxay yeelanayaan awoodaha maaliyadeed ee u gaarka ah ee ku xusan Jadwalka Labaad (C) ee Dastuurka.

(4) Soo rogidda, dhimista iyo cafiska canshuuraha waa in lagu saleeyaa xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka.

English

No translation available yet in English.

Related schedules

Jadwalka Labaad (A)

Awoodaha u gaarka ah Dawladda Federaalka

40 items

Awoodaha Guud

  1. (1)

    Ilaalinta iyo difaaca Dastuurka.

  2. (2)

    Ilaalinta midnimada dalka iyo madaxbannaanidiisa.

  3. (3)

    Aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  4. (4)

    Arrimaha dibedda iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

  5. (5)

    Axdiyada caalamiga ah iyo heshiisyada laba dhinaclaha ah ee lala galayo dawladaha iyo hay'adaha caalamiga ah.

  6. (6)

    Arrimaha jinsiyadda iyo socdaalka.

  7. (7)

    Siyaasadda ilaalinta Diinta iyo Awqaafta.

  8. (8)

    Ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha uu Dastuurka federaalka dammaanadqaadayo.

  9. (9)

    Diiwaangelinta iyo aqoonsiga qaran ee dadweynaha.

  10. (10)

    Ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.

  11. (11)

    Diiwaangelinta iyo ilaalinta xuquuqda hal-abuurka.

  12. (12)

    Shaqaalaha Rayidka ah ee heer federaal.

  13. (13)

    Halbeegyada la xiriira cabiraadda iyo miisaanka.

Dhaqaalaha

  1. (14)

    Qorshaha qaran ee horumarinta dhaqaalaha.

  2. (15)

    Arrimaha la xiriira lacagta.

  3. (16)

    Istatistikada Qaranka.

  4. (17)

    Wabiyada isku xiraya laba dawlad goboleed ama ka badan ama ka imaanaya dibedda xudduudaha geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  5. (18)

    Siyaasadda iyo shuruucda ganacsiga dibedda.

  6. (19)

    Maalgashiga caalamiga.

Maaliyadda

  1. (20)

    Canshuuraha kastamka, xuduudaha iyo ganacsiga caalamiga ah.

  2. (21)

    Canshuuraha dakhliga shirkadaha waaweyn ee heer qaran iyo kuwa caalamiga ah.

  3. (22)

    Canshuuraha tubaakada, buuriga iyo alaabooyinka kale ee uu Baarlamaanka Federaalka ku soo rogo cashuuraha gaarka ah.

  4. (23)

    Canshuurta moorka heer federaal.

  5. (24)

    Canshuurta waddamarista ee qaybta waddooyinka u kala goosha dawlad goboleedyada.

  6. (25)

    Canshuurta faa'iidada raasumaalka ee laga helo libka ama maalgashiga.

  7. (26)

    Dakhliga ka soo xarooda khayraadka dabiiciga ah.

  8. (27)

    Khidmadaha kale ee gaar ah oo uu jideeyey xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka.

  9. (28)

    Deeqaha caalamiga ah iyo amaahda dibedda ama gudaha ee magac Dawladda Federaalka lagu helo.

  10. (29)

    Go'aaminta ilaha dakhliga, soo saarista canshuuro u gaar ah dawlad goboleedyada iyo dajinta, ansixinta iyo maamulidda miisaaniyadda guud ee federaalka.

Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Kaabayaasha

  1. (30)

    Dekadaha iyo garoommada diyaaradaha caalamiga ah.

  2. (31)

    Waddooyinka isku xira labo dawlad goboleed ama ka badan.

  3. (32)

    Maamulka duulista hawada iyo badda.

  4. (33)

    Boostada, koodka Soomaaliya ee (252), koodka internet-ka (.SO), astaynta mowjadaha maqal iyo maqal-aragga, siyaasadda ammaanka internet-ka ilaalinta xogta.

Amniga iyo Caddaaladda

  1. (34)

    Difaaca qaranka iyo Ciidanka Xoogga Dalka.

  2. (35)

    Dhisidda Ciidanka Booliiskaa Federaalka ah iyo Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

  3. (36)

    Nidaaminta hubka fudud iyo saanadda ee gaarka loo leeyahay.

  4. (37)

    Tayadhawrka agabka, dawooyinka iyo cuntada.

  5. (38)

    Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka.

  6. (39)

    Nidaaminta iyo maamulka xarumaha qaran sida: - Matxafyada; - Maktabadaha; iyo - Tiyaatarrada iyo garoommada ciyaaraha.

Waxbarashada

  1. (40)

    Dejinta manhajka, tababbarka macalimiinta iyo imtixaannada shahaadiga ee dugsiga sare.

Open in the Constitution →

Jadwalka Labaad (B)

Awoodaha Wadaagga ah

41 items

Awoodaha Guud

  1. (1)

    La dagaallanka nabaadguurka, ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

  2. (2)

    Arrimaha shaqaalaha gaarka ah.

  3. (3)

    Horumarinta iyo kobcinta awoodaha maamullada dawladaha hoose.

  4. (4)

    Warfaafinta.

  5. (5)

    Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

  6. (6)

    Ilaalinta ilaha iyo kaydka biyaha.

  7. (7)

    Horumarinta xannaanada xoolaha.

  8. (8)

    Qorshaha horumarineed ee waxbarashada iyo ilaalinta tayadeeda.

  9. (9)

    Siyaasadda diiwaangelinta dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka.

  10. (10)

    Siyaasadaha qaran ee arrimaha dhulka iyo badda.

  11. (11)

    Siyaasadda qaran ee mihnadleyaasha iyo ruqsadahooda.

Dhaqaalaha

  1. (12)

    Ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

  2. (13)

    Siyaasadda guud ee tamarta iyo biyaha.

  3. (14)

    Siyaasadda beeraha, waraabka iyo cilmibaarista.

Maaliyadda

  1. (15)

    Canshuurta gadista/libka.

  2. (16)

    Canshuuraha macaashka shakhsiga.

  3. (17)

    Canshuurta macaashka guryaha.

  4. (18)

    Canshuurta macaashka shirkadaha.

  5. (19)

    Khidmadaha mihnadaha/karaanka.

  6. (20)

    Canshuurta diiwaangalinta qaansheegadka iyo heshiisyada.

Gaadiidka iyo Kaabayaasha

  1. (21)

    Arrimaha dalxiiska.

  2. (22)

    Goobaha iyo astaamaha taariikhiga ah.

  3. (23)

    Beeraha iyo waraabka.

  4. (24)

    Kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

  5. (25)

    Diiwaangelinta iyo bixinta taarkada iyo ruqsadda gaadiidka.

  6. (26)

    Ruqsadda gaari wadista.

  7. (27)

    Nidaaminta ganacsiga u dhexeeya dawlad goboleedyada.

  8. (28)

    Siyaasadda gaadiidka dhulka, badda iyo cirka.

Amniga iyo Caddaaladda

  1. (29)

    Faldembiyeedyada abaabulan.

  2. (30)

    Arrimaha xabsiyada.

Caafimaadka, Waxbarashada iyo Adeegyada Bulshada

  1. (31)

    Tallaalka iyo ka hortagga cudurrada faafa.

  2. (32)

    Siyaasadda qaran ee caafimaadka.

  3. (33)

    Taabbagelinta siyaasadda qaxootiga, magangeliyadoonka iyo barakacayaasha.

  4. (34)

    Bixinta adeegyada tamarta iyo biyaha.

  5. (35)

    Ilaalinta tayada iyo korjoogteynta adeegyada caafimaadka.

  6. (36)

    Tayaynta kulliyadaha caafimaadka, iskuullada kalkaaliyayaasha iyo xirfadleyda caafimaadka.

  7. (37)

    Arrimaha daryeelka qoyska iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabo.

  8. (38)

    Daryeelka barakacayaasha.

  9. (39)

    Daryeelka bulshada.

  10. (40)

    Waxbarashada dalka.

  11. (41)

    Tacliinta sare, tiknoolijiyadda iyo hay'adaha cilmibaarista.

Open in the Constitution →

Jadwalka Labaad (C)

Awoodaha u gaarka ah Dawlad Goboleedyada

25 items

Awoodaha Guud

  1. (1)

    Soo saaridda iyo ku dhaqanka dastuur iyo xeer u gaar ah dawlad goboleedyada oo aan ka hor imaanayn Dastuurka iyo xeerarka Federaalka.

  2. (2)

    Qorshaha horumarinta reer miyiga.

  3. (3)

    Shaqaalaha Rayidka ah ee dawlad goboleedka.

  4. (4)

    Diyaarinta iyo maamulidda miisaaniyadda dawlad goboleedka.

  5. (5)

    Diiwaangelinta shirkadaha ka shaqeeya dawlad goboleedka.

Maaliyadda

  1. (6)

    Canshuuraha dhulka, hantida maguurtada ah iyo isticmaalka dhulka.

  2. (7)

    Canshuurta moorka ee heer dawlad goboleed.

  3. (8)

    Canshuurta kala wareejinta hantida.

  4. (9)

    Khidmadaha dhulbeereedyada iyo suuqyada ku yaalla dawlad goboleedyada.

  5. (10)

    Canshuurta waddamarista ee heer dawlad goboleed.

  6. (11)

    Khidmada ruqsadda wadista gaadiidka.

  7. (12)

    Khidmadda ruqsadda summada gaadiidka.

  8. (13)

    Lacagaha iyo khidmadaha adeegga bulshada ee gobolka ama degmada.

  9. (14)

    Dakhliga laga helo maalgashiga iyo adeegyada ganacsiga ee dawlad goboleedka.

Gaadiidka iyo Kaabayaasha

  1. (15)

    Garoommada diyaaradaha ee maxaliga.

  2. (16)

    Dhisidda iyo dayactirka waddooyinka dawlad goboleedyada.

  3. (17)

    Maamulka warfaafinta iyo isgaarsiinta dawlad goboleedyada.

Amniga iyo Caddaaladda

  1. (18)

    Dhisidda iyo maamulidda ciidanka booliiska, maxkamadaha kore iyo maxkamadaha hoose ee dawlad goboleedka.

Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada

  1. (19)

    Nidaaminta iyo korjoogteynta isbitaallada iyo goobaha caafimaad.

  2. (20)

    Nidaaminta iyo maamulka xarumaha dawlad goboleed sida: - Maktabadaha; - Matxafyada; - Beeraha nasashada; - Xarumaha hiddaha iyo dhaqanka; - Dalxiiska iyo xeebaha; iyo - Tiyaatarrada iyo garoommada ciyaaraha.

  3. (21)

    Dhaqangelinta siyaasadda diiwaangelinta dhalashada, dhimashada, guurka, furriinka iyo bixinta warqadaha aqoonsiga.

  4. (22)

    Horumarinta dhallinyarada iyo isboortiga dawlad goboleedka.

Waxbarashada

  1. (23)

    Qorshaha horumarineed iyo baahinta waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.

  2. (24)

    Imtixaanaadka iyo shahaaddada dugsiyada hoose/ dhexe.

  3. (25)

    Maamulidda dugsiyada sare iyo macaahidda farsamada gacanta.

Open in the Constitution →

Plain-Language Explanation

Somali
Awoodaha maaliyadeed ee dalka waxaa loo qaybinayaa saddex qaybood: kuwa gaarka u ah Dowladda Federaalka, kuwa ay wadaagaan Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo kuwa u gaarka ah dowlad-goboleedyada. Qaybinta awoodahaas waxaa lagu qeexay Jadwalka Labaad ee Dastuurka, qaybihiisa A, B iyo C. Sidoo kale, canshuur kasta oo la soo rogayo, la dhimayo ama laga cafinayo waa inay ku salaysnaataa sharci uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)