Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 13: NIDAAMKA MAALIYADDA GUUD
(CHAPTER 13: FISCAL FEDERALISM)
Somali (Original)

Qodobka 167aad: Mabaadi’da Maaliyadda Guud

Si loo xaqiijiyo nidaam maaliyadeed oo hufan, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan qaabdhismeedka federaalka, dhaqangelinta siyaasadda iyo nidaamka maaliyadeed ee dalka waxaa hagaya mabaadi’da guud ee soo socda:

(1) Qaybinta awoodaha maaliyadeed iyo canshuuraha waa in lagu saleeyaa nidaam maaliyadeed oo dheellitiraya heerarka kala duwan ee dawladda, si loo xaqiijiyo in adeegyada iyo dakhliga loo qaybiyo si waafaqsan baahida iyo awoodda fulinta.

(2) Mas’uuliyadda bixinta adeegyada iyo fulinta hawlaha maaliyadeed waa in lagu meeleeyaa hay’adda dawladda ee ugu dhow shacabka.

(3) Muwaaddiniinta dhammaan gobollada iyo degaannada dalka waxay xaq u leeyihiin adeegyo iyo fursado maaliyadeed oo siman, iyadoo aan loogu kala eexanayn degaan ama xaalad dhaqaale.

(4) Qorsheyaasha iyo siyaasadaha maaliyadeed waa in lagu saleeyaa mabda’a joogteynta xasilloonida maaliyadeed ee jiilalka mustaqbalka, si aysan u dhaxlin culeys maaliyadeed oo ka baxsan awooddooda dhaqaale.

(5) Kala duwanaanshaha awoodaha, khayraadka iyo mas’uuliyadaha maaliyadeed ee u dhexeeya heerarka dawladeed waa in lagu saleeyaa mabda’a federaalnimada, sinnaanta iyo hufnaanta, iyadoo la oggolaanayo in dawlad goboleedyadu yeeshaan awoodo iyo xayndaabyo maaliyadeed oo ku habboon xaaladdooda dhaqaale iyo bulsho, si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka federaalka.

(6) Heer kasta oo dawladeed waa inuu qaataa mas’uuliyadda maaliyadeed ee ka dhalata awoodaha Dastuurku u asteeyey.

(7) Heer kasta oo dawladeed wuxuu awoodihiisa maaliyadeed u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka, isagoo ilaalinaya xasilloonida dhaqaalaha iyo horumar waara.

(8) Heer kasta oo dawladeed wuxuu mas’uul ka yahay kharashaadka hawlaha uu Dastuurka Federaalka u xilsaaray.

(9) Haddii hawl federaal loo wareejiyo dawlad goboleed, kharashka lagu fulinayo waxaa bixinaya heerka dawladda ee hawsha leh, haddii aan si kale lagu heshiin.

(10) Dhammaan hannaanka maaliyadeed ee dalka waa in uu ku dhisanyahay nidaamka Qasnadda Mideysan ee Dawladda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Nidaamka maaliyadeed ee dalka waa inuu noqdaa mid hufan, caddaalad ah, kana tarjumaya qaabdhismeedka federaalka. Awoodaha maaliyadeed iyo canshuuraha waa in si dheellitiran loogu qaybiyaa heerarka kala duwan ee dowladda, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha bulshada iyo awoodda hay’ad kasta. Adeegyada dadweynaha iyo mas’uuliyadaha maaliyadeedna waa in loo xilsaaro hay’adda dowladda ee ugu dhow shacabka. Muwaadiniinta dalka oo dhan waxay xaq u leeyihiin adeegyo iyo fursado maaliyadeed oo siman, iyadoon lagu kala eexan degaan ama xaalad dhaqaale. Qorsheynta maaliyadeed waa inay ilaalisaa xasilloonida dhaqaalaha iyo danaha jiilalka mustaqbalka, iyadoo heer kasta oo dowladeed uu mas’uul ka yahay kharashaadka hawlaha Dastuurku u xilsaaray. Dowlad-goboleedyadu waxay yeelan karaan awoodo maaliyadeed oo ku habboon xaaladahooda dhaqaale iyo bulsho, balse waa inay waafaqaan Dastuurka iyo shuruucda federaalka. Haddii hawl federaal loo wareejiyo dowlad-goboleed, dowladda hawsha leh ayaa bixinaysa kharashka fulinteeda, haddii aan heshiis kale la gaarin. Ugu dambayn, dhammaan nidaamka maaliyadeed ee dalka waa inuu ku dhisnaadaa Qasnadda Mideysan ee Dowladda.
English

Not available.

Questions & Comments (0)