Qodobka 169aad: Hay’adda Dakhliga Qaranka
(1) Waxaa la dhisayaa Hay’adda Dakhliga Qaranka oo ah hay’ad madaxbannaan oo heer federaal ah.
(2) Hay’addu waxay mas’uul ka tahay uruurinta iyo maamulka dakhliga Dawladda Federaalka, waxayna ku shaqaynaysaa mabaadi’da hoos ku xusan: (a) Sare u qaadidda dakhliga guud ee dalka iyo ballaarinta ilaha dakhli; (b) Xoojinta mideynta dakhliga qaranka; (c) Horumarinta iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta ;iyo (d) Wacyigelinta shacabka ee ku saabsan waajibaadka canshuurbixinta.
(3) Hay’addu waa inay la shaqaysaa hay’adaha maaliyadeed ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed, si loo xaqiijiyo iskuxirnaanta iyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.
(4) Dhammaan dakhliga ay uruuriso ama hesho Dawladda Federaalka waa in lagu shubaa Qasnadda Mideysan ee Dawladda, marka laga reebo lacagaha loo qoondeeyo ujeeddo gaar ah si waafaqsan xeerarka dalka.
(5) Qaabdhismeedka, awoodaha, hawlaha, habraaca shaqada ee Hay’adda Dakhliga Qaranka waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah oo uu soo saaro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
