Qodobka 63aad: Maqaamka Caasimadda iyo Matalaadda Gobolka Banaadir
(1) Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu yeelanayaa golaha Caasimadda, gole fulin iyo garsoor.
(2) Golaha Caasimadda oo ku salaysan matalaadda shacabka caasimadda waxaa laga soo dooranayaa degmooyinka Gobolka Banaadir.
(3) Duqa Caasimadda iyo kuxigennadiisa waxaa dooranaya golaha Caasimadda. Duqa Caasimaddu waxa uu magacaabayaa xoghayeyaal.
(4) Gobolka Banaadir waxa uu yeelanayaa xildhibaanno ku matala Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si la mid ah gobollada kale ee dalka.
(5) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mas'uul ka tahay arrimaha amniga iyo siyaasadda ee Caasimadda Jamhuuriyadda iyo arrimaha kale ee uu jideeyey xeer uu soo saaro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
(6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo magacaabaysaa mas'uul sare oo wakiil uga noqda waajibaadkeeda la xiriira arrimaha Caasimadda iyo Gobolka Banaadir.
(7) Marka laga reebo arrimaha ku xusan fagradda Saad ee godobkan iyo arrimaha kale ee xeerarka dalka si kale loogu qeexay, Caasimadda Jamhuuriyadda waxay leedahay awoodaha ku xusan Jadwalka Labaad (C) ee Dastuurka.
(8) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaraya xeer gaar ah oo lagu nidaamiyo arrimaha la xiriira Caasimadda iyo Gobolka Banaadir, wadashaqaynta İyo xilka iyo waajibaadka ka dhaxeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Caasimadda/Gobolka Banaadir.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
