Qodobka 64aad: Mabaadi'da Federaalka
(1) Dhammaan heerarka kala duwan ee dawladda waa in ay dhawraan una hoggaansamaan mabaadi da federaalka ee soo socda: (a) In awoodda dawladdu baahsantahay, una qaybsantahay dhammaan heerarka kala duwan ee dawladda; (b) In muwaaddin walba, meel kasta uu ka joogo dalka iyo degaan kasta, helo xuquuq, adeegyo iyo waxqabad dawladeed oo isku mid ah oo ku dhisan xagsoor; (c) In heer kasta oo dawladeed uu helo kalsoonida iyo taageerada shacabka; (d) In uu jiro xiriir iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah oo u dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo sidoo kale dawlad goboleedyada dhexdooda, iyada oo la ilaalinayo midnimada masiiriga ah ee qaranka; (e) In mas'uuliyadda fulinta adeegyada loo dhiibo hadba heerka dawladeed ee awood ku filan u leh, sida ugu waxku-colsanna u fulin kara, uguna dhow muwaaddinka adeegga loo qabanayo; (f) In heerarka kala duwan ee dawladda ay si caddaalad ah u wadaagayaan una geybsanayaan khayraadka iyo dakhliga dalka; iyo (g) In khilaaf kasta, oo ka dhex dhasha Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada ama dawlad goboleedyada dhexooda lagu xalliyo wada xaajood. Haddii lagu guulaysan waayana waxaa loo gudbinayaa Golaha Aqalka Sare si uu go'aan uga gaaro, ka hor inta aan loo gudbin Maxkamadda Dastuurka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
