Qodobka 62aad: Dhismaha Dawlad Goboleedyada iyo Soohdimahooda
(1) Dhismaha dawlad goboleedka waxaa loo marayaa axkaamta ku xusan qodobkan iyadoo aan wax loo dhimayn dawlad goboleedyada jiray ka hor dhagangalka Dastuurkan.
(2) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go'aan ka gaaraya oggolaanshaha dhismaha dawlad goboleedka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(3) Marka ay dhismaan dawlad goboleedyada waxaa wax-kabeddel lagu samayn karaa oo keliya marka ay heshils ku wada gaaraan dhinacyda dawlad goboleeyada ay khuseyso. Haddii ay heshiin waayaan waxaa khilaafkooda lagu xallinayaa habraac maxkamadeed waxaana go'aan ka gaaraya Maxkamadda Dastuurka.
(4) Soohdimaha dawlad goboleed kasta waxay ku salaysnaanayaan soohdimihii gobollada dalka sidii ay u jireen 1991-kii.
(5) Dawlad goboleed waxaa ku midoobi kara laba gobol iyo wixii ka badan oo deris ah ayagoo xor u ah go'aankooda.
(6) Gobol gooni isu taagi kara dawlad goboleed ahaan ma jiro, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaana maamulaysa gobolkaas inta uu ku biirayo gobol ama dawlad goboleed kale.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
