Qodobka 101aad: Hindise Xeereed Ka Billowday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
(1) Hindise xeereed kasta oo la xiriira awoodaha wadaagga ah wuxuu ka billaabanayaa Golaha Aqalka Sare.
(2) Marka Golaha Aqalka Sare la horkeeno hindise xeereed oo golaha ka billowday, Aqalka Sare wuxuu qaadi karaa mid ka mid ah tallaabooyinka soo socda: (a) Inuu sidiisa ku ansixiyo ama wax-kabeddelo, kaddibna loo gudbiyo Golaha Shacabka; ama (b) Inuu diido kuna wargeliyo Golaha Shacabka iyo curiyaha sababaha loo diiday hindisaha xeerka.
(3) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise xeereed oo Golaha Açalka Sare u soo gudbiyey, waxaa u furan inuu qaado mid ka mid tallaabooyinka soo socda: (a) Inuu hindisaha u ansixiyo sida Golaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyay oo aan waxba laga beddelin, kaddibna dib ugu diro Golaha Aqalka Sare; (b) Inuu wax-kabeddel ku sameeyo, kaddibna, iyadoo wax-kabeddellada lagu sameeyay hindisaha oo sababaysan dib ugu diro Golaha Aqalka Sare; ama (c) Inuu diido hindisaha xeerka, kaddibna dib ugu diro Golaha Aqalka Sare isaga oo raacinaya sababaha diidmada.
(4) Haddii Golaha Shacabku ansixiyo hindisaha xeerka uu u soo gudbiyey Golaha Aqalka Sare, hindise xeereedka waxa dib loogu celinayaa Golaha Aqalka Sare si Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uu u saxiixo looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.
(5) Haddii Golaha Shacabku wax-kabeddelo ama diido hindise xeereed oo u soo gudbiyay Golaha Aqalka Sare, Golaha Aqalka Sare muddo sagaashan (90) maalmo shago gudahood ah wuxuu qaadayaa mid ka mid ah tallaabooyinka soo socda: (a) In uu aqbalo wax-kabeddeika ama diidmada hindise xeereedka una gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah; (b) In uu dhiso guddiga ku xusan Qodobka 99(1) ee Dastuurka; ama (c) In uu diido wax-kabeddelka ama diidmada, iyadoo oo uu ku meelmarinayo saddex meelood labo meel (2/3) go'aan aqlabiyad ah ee tirada xubnaha guud ee golaha, kaddibna u gudbiyo hindisaha xeerka Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.
No translation available yet in English.
Article 99 — Qodobka 99aad: Xallinta Khilaafka ee Hindise Xeereed
(1) Haddii labada gole uu ka dhasho khilaaf ku saabsan hindise xeereed, waxaa la dhisayaa guddi wadajir ah oo labada gole ku yeelanayaan xubno isla'eg si ay xal uga gaaraan. (2) Hannaanka xallinta khilaafaadka waxaa lagu fulinayaa mabda'a iskaashiga sida ku cad Qodobbada 65aad iyo 66aad ee Dastuurka.
Read full article →Plain-Language Explanation
Not available.
