Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Xeerdejinta Baarlamaanka
Somali (Original)

Qodobka 102aad: Kaydinta İyo Faafinta Xeerarka

(1) Xaafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Federaalka ayaa mas'uul ka ah daabacaadda, xafidaadda, kaydinta, qaybinta xeerarka iyo Faafinta Rasmiga ah.

(2) Labada xoghaye guud ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka waxay mas'uul ka yihiin xafidaadda iyo kaydinta nuqullada xeerarka, qaraarrada iyo hadalqoraalladda golayaashu ansixiyaan iyo in ay hubiyaan in xeerarka loo gudbinayo Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda la midyihiin kuwii asalka ahaa oo meelmarinta loogu gudbiyey xafliska Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka ayaa mas’uul ka ah daabacaadda, ilaalinta, kaydinta iyo qaybinta sharciyada iyo Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xoghayeyaasha Guud ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa mas’uul ka ah ilaalinta iyo kaydinta nuqullada sharciyada, go’aannada iyo qoraallada rasmiga ah ee ay golayaashu ansixiyaan. Waxa kale oo ay hubinayaan in sharciyada loo gudbinayo Faafinta Rasmiga ah ay la mid yihiin nuqulladii asalka ahaa ee loo gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda si loo saxiixo.
English

Not available.

Questions & Comments (0)