Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Xeerdejinta Baarlamaanka
Somali (Original)

Qodobka 100aad: Hindise Xeereed Ka Billowday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

(1) Hindise xeereed la xiriira awoodaha xeerdejinta gaarka ah ee Dawladda Federaalka iyo kuwa haraaga ah wuxuu ka billaabanayaa Golaha Shacabka.

(2) Marka hindise xeereed la horkeeno Golaha Shacabka, goluhu wuxuu gaadi karaa mid ka mid ah tallaabooyinkan: (a) Inuu sidisa ku ansixiyo ama wax-kabeddelo, kaddibna u gudbiyo Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka; iyo (b) Inuu diido, kuna wargeliyo cidda marka hore soo curisay iyo Golaha Aqalka Sare, isagoo raacinaya sababaha loo diiday.

(3) Marka Golaha Aqalka Sare uu soo gaaro hindise xeereed uu Golaha Shacabka soo gudbiyey, waxaa u furan inuu qaado mid ka mid tallaabooyinka soo socda: (a) Inuu hindisaha u ansixiyo sida Golaha Shacabku ugu soo gudbiyay, oo aan waxba laga beddelin, kaddibna dib ugu diro Golaha Shacabka; (b) Inuu wax-kabeddel ku sameeyo, kaddibna, İyadoo wax-kabeddelka lagu sameeyay hindisaha oo sababaysan dib ugu diro Golaha Shacabka; iyo (c) Inuu diido hindisaha xeerka, kaddibna dib ugu diro Golaha Shacabka, isaga oo raacinaya sababaha diidmada.

(4) Haddii Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise xeereed uu ansixiyay Golaha Aqalka Sare oo markii hore ka billowday Golaha Shacabka, İyada oo aan wax laga beddelin, wuxuu goluhu u gudbinayaa Madaxweynaha si uu u saxiixo, looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.

(5) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise xeereed uu Golaha Aqalka Sare wax ka soo beddelay ama diiday, waxaa u furan muddo sagaashan (90) maalmo shaqo gudahood ah inuu qaado mid ka mid ah tallaabooyinka soo socda: (a) Inuu oggolaado wax-kabeddelka ama diidmada lagu sameeyay hindisaha xeerka una gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu saxiixo looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah; (b) In la dhiso guddiga ku xusan Qodobka 99(1) ee Dastuurka; ama (c) Inuu diido isbeddellada ama diidmada la sameeyay, uuna ku buriyo go'aanka Golaha Aqalka Sare aqiabiyad saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, kaddibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.

English

No translation available yet in English.

Related articles:

Article 99 — Qodobka 99aad: Xallinta Khilaafka ee Hindise Xeereed

(1) Haddii labada gole uu ka dhasho khilaaf ku saabsan hindise xeereed, waxaa la dhisayaa guddi wadajir ah oo labada gole ku yeelanayaan xubno isla'eg si ay xal uga gaaraan. (2) Hannaanka xallinta khilaafaadka waxaa lagu fulinayaa mabda'a iskaashiga sida ku cad Qodobbada 65aad iyo 66aad ee Dastuurka.

Read full article →

Plain-Language Explanation

Somali
Hindise-sharciyeedka la xiriira awoodaha sharci-dejinta gaarka ah ee Dowladda Federaalka iyo awoodaha aan si gaar ah loogu qoondeyn heer dowladeed (awoodaha haraaga ah) waa inuu ka bilaabmaa Golaha Shacabka. Marka hindise-sharciyeedka la horgeeyo Golaha Shacabka, goluhu wuxuu ansixin karaa sida uu yahay ama wax ka beddeli karaa, ka dibna wuxuu u gudbinayaa Golaha Aqalka Sare. Haddii uu diido, waa inuu diidmada u sheego cidda hindisaha soo gudbisay iyo Golaha Aqalka Sare, isagoo sharxaya sababaha diidmada. Marka Golaha Aqalka Sare helo hindisaha, wuxuu dooran karaa inuu ansixiyo isaga oo aan waxba ka beddelin, inuu wax ka beddelo oo uu sababaha ku lifaaqo, ama inuu diido oo uu sharxo sababaha diidmada. Xaalad kasta, hindisaha waxaa dib loogu celinayaa Golaha Shacabka. Haddii Golaha Aqalka Sare uu ansixiyo hindisaha isaga oo aan waxba ka beddelin, Golaha Shacabka wuxuu u gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, ka dibna loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah. Haddii Golaha Aqalka Sare wax ka beddelo ama diido hindisaha, Golaha Shacabka wuxuu haystaa muddo 90 maalmood oo shaqo gudahood ah si uu u go’aamiyo tallaabada xigta. Wuxuu aqbali karaa wax-ka-beddelka ama diidmada, ka dibna u gudbin karaa Madaxweynaha si uu u saxiixo looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah. Waxa kale oo uu dhisi karaa guddi wadajir ah oo labada gole ka kooban si khilaafka loo xalliyo. Ama wuxuu diidi karaa go’aanka Golaha Aqalka Sare, isagoo ku burinaya cod ay taageeraan ugu yaraan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, ka dibna hindisaha u gudbinaya Madaxweynaha si uu u saxiixo looguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.
English

Not available.

Questions & Comments (0)