Qodobka 98aad: Soo Bandhigidda iyo Curinta Hindise Xeereed
(1) Hindise xeereed waxaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka hor keeni kara: (a) Golaha wasiirrada; (b) Ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka; ama (c) Ugu yaraan toban kun (10,000) oo muwaaddin oo buuxiyey shuruudaha codbixinta.
(2) Xukuumadda Federaalka oo keliya ayaa soojeedin karta hindise xeer oo la xiriira miisaaniyadda sanadiaha ah.
(3) Hindise xeereed oo ay dadweynuhu soojeediyaan kama mid noqon karaan arrimaha la xiriira canshuuraha iyo dakhliga dawladda.
(4) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa hindise xeereed u soojeedin kara: (a) Golaha wasiirrada; (b) Ugu yaraan shan xildhibaan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare; ama (c) Ugu yaraan xildhibaannada hal dawlad goboleed.
(5) Hindise xeereed kasta wuxuu marayaa saddex akhrin, waxaana ka baaraandagaya guddiga ay khuseyso ee gole kasta ee baarlamaanka, kaas oo ka diyaarinaya warbixin ka hor inta aan doodda la billaabin.
(6) Goluhu wuxuu hindise xeereed kasta uga doodayaa, kaddibna ugu codaynayaa si waafaqsan Xeer Hoosaadka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
