Qodobka 96aad: Heshiisyada Caalamiga ah
(1) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxu ansixiyaa ama diidaa heeshiisyada caalamiga ah ee ay Xukuumadda Federaalku gasho ee: (a) Saameeya: difaaca, nabadda, gobannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda; ama (b) Ku saabsan: siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo kuwa dawladda u keenaya mas'uuliyad maaliyadeed.
(2) Xukuumaddu waa in ay u soo gudbisaa Baarlaamanka Federaalka heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho ugu badnaan lixdan (60) maalmood gudahood, oo ka billaabanaysa maalinta la saxiixay heshliska, iyadoo baarlamaanka ay waajib ku tahay inuu ku ansixiyo ama ku diido muddo aan ka badneyn boqol iyo labaatan (120) maalmood gudahood.
(3) Heshiis calami ah kama dhaqangeli karo geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haddii uusan ansixin Baarlamaanka Federaalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
