Qodobka 95aad: Korjoogtaynta İyo Baaritaanka Baarlamaanka Federaalka
(1) Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare waxay awood u leeyihiin korjoogtaynta iyo kormeerka hay'adaha dawladda.
(2) Labada gole ama guddiyadda baarlamaanka waxa ay u yeeri karaan xubnaha golaha wasiirrada. Wasiirraduna waxaa waajib ku ah in ka soo qaybgalaan fadhiyada baarlamaanka. Xeer hoosaadka goluhu wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su'aalaha xubnaha golaha. Wasiirradu waa in ay ku dedaalaan niyad iskaashi inay kalfadhiyada uga soo gaybgalaan.
(3) Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waxay leeyihiin awood baaritaan oo la xiriirta arrimaha soo socda: (a) Arrin kasta oo ku jirta awoodda golahaas; iyo (b) Habdhaqanka qof, hay'ad, wasaarad ama waax dawladeed oo loo igmaday waajibaadka ah: i. Fulinta ama hirgelinta xeerarka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka; ama Il. Maamulka iyo maareynta lacagaha ay labada gole u qoondeeyeen.
(4) Awoodda baaritaan ee Baarlamaanka Federaalka waxaa keliya oo lagu dhaqangelin karaa ujeeddooyinka hoos ku xusan: (a) In la saxo khaladaadka la xiriira hirgelinta iyo fulinta xeerarka; iyo (b) in la ogaado musuqmaasuq, habacsanaan, ama khasaaraha dhaqaale ee ka dhasha fulinta xeerarka ama maamulka hantida dadweynaha oo ay labada gole ee baarlamaanku ansixiyeen.
(5) Baaritaannada waxaa qaban kara guddi rasmi ah oo uu magacaabo mid ka mid ah labada gole, ama guddi wadajir ah oo uu magacaabo Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
(6) Guddiga baaritaanka fulinaya wuxuu leeyahay awoodaha soo socda: (a) In uu helo caddayn kasta, ha ahaato goraal ama af, toos ama dadban, haddii uu u arko inay muhlim tahay ama ay khuseyso baaritaanka, isla markaana uu su'aalo weydiin karo dhammaan cid kasta oo ay khuseeyso ama muhiim u tahay arrinta baaritaanka; iyo (b) in uu u yeeri karo qof kasta si uu u bixiyo caddayn ama u keeno dukumenti ama agab uu gacanta ku hayo.
(7) Qofkii ama hay'addii diidda in ay u hoggaansanto u yeeridda, keenista caddaymo ama fulinta qaraarrada baarlamaanka ama guddiyadooda, wuxuu galayaa xadgudub waxaana laga qaadi karaa tallaabadii uu go'aamiyo labada gole ee baarlamaanka midkood.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
