Qodobka 94aad: Awoodaha Wadaagga ah ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka
Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waxay leeyihlin awoodaha wadaagga ah ee soo socda:
(1) Curinta, ansixinta, wax-kabeddelidda xeerarka ama diidmada hindise xeereed la horkeeno si waafaqsan habraaca xeerdejinta ee ku xusan Dastuurka;
(2) Wax-kabeddelka Dastuurka si waafaqsan habraaca wax-kabeddelka Dastuurka;
(3) Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan habraaca ku xusan Qodobka 107aad ee Dastuurka;
(4) Eedaynta İyo maamuus kaxayuubinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka si waafaqsan habraaca ku xusan Qodobka 113aad ee Dastuurka;
(5) Ansixinta, diidmada ama ka bixidda heshiisyada xukuumaddu gashay ama heshlisyada caalamiga ah;
(6) Ansixinta magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka;
(7) Ansixinta magacaabista Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda;
(8) Ansixinta guddiyada madaxabannaan ee qaranka;
(9) La xisaabtanka iyo korjoogtaynta hay'adaha Dawladda Federaalka, si loo xaqiijiyo dhaqangalka xeerarka Dawladda Federaalka Soomaaliya; iyo
(10) Ansixinta ama diidmada ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah iyo mid dagaal si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
