Qodobka 92aad: Awoodaha u Gaarka ah Golaha Shacabka
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka wuxuu matalaa dhammaan shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna gaar u leeyahay awoodaha soo socda:
(1) Kalsooni siinta Ra'iisulwasaaraha, Ra'isulwasaare kuxigeen/kuxigeennada, Wasiirrada, Wasiiru dawlayaasha, Wasiir kuxigeennada iyo Baarnaamijka Xukuumadda;
(2) Xilkaqaadidda Ra'iisulwasaaraha, Ra'isulwasaare kuxigeen/kuxigeennada iyo xubnaha golaha wasiirrada si waafaqsan Qodobka 118aad ee Dastuurka;
(3) Doorashada guddoomiyaha iyo labada kuxigeen; iyo
(4) Hawl kasta ee kale oo Dastuurku ama xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u xilsaaraan.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
