Qodobka 91aad: Guddiga Adeegga Baarlamaanka
(1) Waxaa la dhisayaa Guddiga Adeegga Baarlamaanka Federaalka, oo muddada jiritaankiisu ku sargo'antahay isla muddada xilhaynta Baarlamaanka Federaalka.
(2) Guddiga Adeegga Baarlamaanka wuxuu ka koobanyahay shan (5) xubnood oo ka kala imanaya labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, waxayna kala yihiin: (a) Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo noqonaya guddoomiyaha guddiga; (b) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, oo nogonaya guddoomiye kuxigeenka guddiga; (c) Laba (2) xubnood oo ay dooranayaan xubnaha Golaha Shacabka, oo ay ugu yaraan hal xubin haween tahay; iyo (d) Hal (1) xubin oo ay dooranayaan xubnaha Golaha Aqalka Sare.
(3) Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Adeegga Baarlamaanka waxay xubinnimada ku lumin kartaa: (a) Marka ay dhammaato muddada xilhaynta baarlamaanka; (b) Haddii ay xubintu lumiso xubinnimada Baarlamaanka Federaalka; ama (c) Haddii golaha uu ka tirsanyahay uu soo beddelo ama iscasilo xubinta, si waafaqsan xeerhoosaadka golihlisa.
(4) Guddiga Adeegga Baarlamaanku wuxuu mas'uul ka noqonayaa: (a) Diyaarinta qiyaasta kharashka baarlamaanka sanadkiiba hal mar; (b) Diyaarinta kulammada wadajirka ah ee labada gole; (c) La socodka maareynta milsaaniyadda iyo kharashaadka ku baxaya adeegyada baarlamaanka; (d) Dejinta siyaasadda lagu horumarinayo aqoonta, xirfadda iyo garaadka xubnaha iyo shaqaalaha baarlamaanka; (e) Xallinta aragti kala duwanaanshaha labada gole haddii ay soo ifbaxaan; iyo (f) Qabashada hawl kasta oo kale oo lagu daryeelayo xubnaha iyo shaqaalaha baarlamaanka.
(5) Xoghayaha Guddiga Adeegga Baarlamaanku waxaa noqonaya Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare, iyada oo kuxigeenkiisu uu noqonayo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, wuxuuna kaabayaa Guddiga Adeegga Baarlamaanka Federaalka.
(6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu yeelanayaa sanduuq miisaaniyadeed u gaar ah.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
