Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: Kalfadhiyada lyo Maamulka Baarlamaanka Federaalka
Somali (Original)

Qodobka 90aad: Guddiyada Baarlamaanka Federaalka

(1) Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah waxay dhisan karaan guddiyo wadaag ah, oo hawlahooda u fududeeya.

(2) Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare waxay yeelanayaan guddiyo u xilsaaran hawlaha gole kasta si gooni ah u gudanayo. Guddoomiyaha guddi kasta wuxuu ka mid nogonayaa guddiga joogtada ah oo shaqadiisu tahay oo keliya in uu dejiyo ajandayaasha golahiisa.

(3) Xeer hoosaadka wadajirka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go'aaminaya tirada guddiyada iyo habraacyada xilgudashadooda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay samaysan karaan guddiyo wadajir ah oo ka caawiya gudashada hawlaha ay wadaagaan. Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare mid kasta wuxuu yeelanayaa guddiyo u gaar ah oo qabta hawlaha golahaas u madax-bannaan. Guddoomiyaha guddi kasta wuxuu sidoo kale xubin ka yahay guddiga joogtada ah ee golaha, kaas oo shaqadiisu ku kooban tahay dejinta ajandayaasha golaha. Tirada guddiyada iyo habraacyada ay u shaqaynayaan waxaa lagu qeexayaa xeer-hoosaadka wadajirka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)