Qodobka 88aad: Xilwaayidda Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka
(1) Guddoomiyaha iyo labada kuxigeen waxay xilka ku lumin karaan: (a) Geeri; (b) Xilgudasho la'aan joogto ah sababo la xiriira mid jireed ama maskaxeed oo uu caddeeyay dhakhtar takhasus u leh oo la aqoonsanyahay; (c) Khayaano qaran; (d) Iscasilaad qoraal ah uu u gudbiyo golaha lagana aqbalo; iyo (e) Ku xadgudub weyn oo joogto ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeer hoosaadka golaha.
(2) Xilkaqaadista guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waxaa soojeedin kara saddex meelood meel (1/3) tirada guud ee xubnaha golaha uu ka tirsanyahay, soojeedintana lagu horgeeynayo golaha muddo sagaal (9) maalmood gudahood ah oo ka billaabanaysa taariikhda ay xubnuhu soo gudbiyaan, İyada oo aan lagu sameyn karin hor istaagid iyo faragelin.
(3) Guddoomiyaha iyo kuxigeennada waxaa xilka looga qaadi karaa codayn qarsoodi ah oo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha golaha uu ka tirsanyahay.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
