Qodobka 87aad: Doorashada Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka
(1) Golaha Shacabka İyo Golaha Aqalka Sare, kulammadooda koowaad, oo uu guddoominayo xildhibaanka ugu da'da weyn, gole kasta wuxuu gaarkiisa iska dhex dooranayaa guddoomiye iyo labo (2) kuxigeen.
(2) Guddoomiyaha iyo kuxigeennada gole kasta waxaa codayn qarsoodi ah ku dooranaya xubnaha golihiisa, iyada oo la raacayo habraaca soo socda: (a) Wareegga koowaad musharraxii hela aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50% + 1) ah tirada guud ee xubnaha golaha uu ka tirsanyahay ayaa guulaysanaya. Haddii la waayo musharrax guulaysta, waxaa loo gudbayaa wareeg labaad. (b) Wareegga labaad waxaa u soo gudbaya afarta musharrax ee ugu codka badan wareegga koowaad. Musharraxii hela cod aglabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah tirada guud ee xubnaha golihiisa ayaa ku guuleysanaya doorashada. Haddii la waayo musharrax guulaysta waxaa loo gudbayaa wareeg saddexaad. (c) Wareegga saddexaad waxaa u soo gudbaya labada musharrax ee ugu codka badnaa wareeggii labaad, waxayna ku kala guulaysanayaan cod hal dheeri ah ee tirada guud ee xubnaha golaha.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
