Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: Kalfadhiyada lyo Maamulka Baarlamaanka Federaalka
Somali (Original)

Qodobka 86aad: Shuruudaha Doorashada Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka

(1) Shuruudaha xilka guddoomiyaha iyo kuxigeennadiisa waa: (a) In uu xubin ka yahay golaha uu ka sharraxanyahay; (b) In da'da musharraxa guddoonka labada gole aysan ka yaraan soddon iyo shan (35) sano; (c) In labadiisa waalid ay yihiin muwaaddiniin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (d) In uusan/aysan qabin xaas/nin ajnabi ah; (e) In musharraxa haysta jinsiyad dal kale uu caddeeyo ka noqoshada jinsiyaddaas haddii uu ku guulaysto guddoonka mid ka mid ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka; (f) In uu caddeeyo hantida uu leeyahay una gudbiyo hab goraal ah xafliska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo (g) Shuruudaha kale ee ku xusan xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) Guddoonku inta uusan qaban xilka xafliska guddoonka mid ka mid ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo rasmi ah oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, xilkiisana u guto si dhexdhexaad ah.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qofka u tartamaya xilka guddoomiyaha ama guddoomiye ku-xigeenka mid ka mid ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waa inuu xubin ka yahay golaha uu ka tartamayo, da’diisuna aanay ka yarayn 35 sano. Labada waalid ee musharraxa waa inay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, mana bannaana inuu qabo xaas ama nin ajnabi ah. Haddii musharraxu haysto jinsiyad dal kale, waa inuu caddeeyo inuu ka tanaasulayo jinsiyaddaas haddii loo doorto guddoonka mid ka mid ah labada gole. Sidoo kale, waa inuu qoraal ku caddeeyo hantida uu leeyahay, kuna gudbiyo Xafiiska Hantidhowrka Guud. Waa inuu sidoo kale buuxiyaa shuruudaha kale ee ku xusan shuruucda Soomaaliya. Ka hor inta uusan xilka guddoonka la wareegin, guddoomiyaha ama ku-xigeenkiisu waa inuu ka tanaasulaa xil kasta oo rasmi ah oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, si uu waajibaadkiisa u guto si dhexdhexaad ah.
English

Not available.

Questions & Comments (0)