Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: Kalfadhiyada lyo Maamulka Baarlamaanka Federaalka
Somali (Original)

Qodobka 85aad: Kalfadhiyada Baarlamaanka Federaalka

(1) Baarlamaanka Federaalka ee la doortay, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa soddon (30) maalmood gudahood kaddib marka lagu dhawaago natiijada doorashada guud. Taariikhda fadiga la gabanayo waxaa goynaya Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

(2) Baarlamaanka Federaalku wuxuu yeelanayaa sanadkiiba labo kalfadhi oo caadi ah, oo ugu yaraan midkiiba soconayo afar (4) bilood.

(3) Xeer hoosaadka wadajirka ah ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu xaddidayaa waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee labada gole iyo xilliyada fasaxa.

(4) Mid ka mid ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu yeelan karaa fadhiyo aan caadi ahayn haddii: (a) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku isugu yeero; (b) Guddoomiyaha goluhu isugu yeero; ama (c) Ay codsi qoraal ah ku weydiistaan ugu yaraan boqolkiiba soddon (30%) xubnaha gole walba ama xubnaha hal dawlad goboleed ee ku matalaya Golaha Aqalka Sare.

(5) Fadhiyada labada gole midkood waxaa shirguddoominaya: (a) Guddoomiyaha golaha; ama (b) Guddoomiye kuxigeenka koowaad marka uu maqanyahay guddoomiyaha golaha, ama (c) Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha, haddii ay saddexdooduba maçanyihiin waxaa shirguddoominaya xubinta ku xusan xeer hoosaadka golaha.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la doortay waa inuu yeeshaa fadhigiisa ugu horreeya muddo 30 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa go’aaminaya taariikhda fadhigaas. Baarlamaanku wuxuu sannad kasta yeelanayaa laba kalfadhi oo caadi ah, mid kastaana waa inuu socdaa ugu yaraan afar bilood. Xeer-hoosaadka wadajirka ah ee Baarlamaanka ayaa qeexaya taariikhaha kalfadhiyada iyo xilliyada fasaxa. Golaha Shacabka ama Golaha Aqalka Sare wuxuu yeelan karaa fadhi aan caadi ahayn haddii uu isugu yeero Madaxweynaha Jamhuuriyadda, guddoomiyaha golaha, ama haddii qoraal lagu codsado ugu yaraan 30% xubnaha golaha. Golaha Aqalka Sare, codsiga waxaa sidoo kale samayn kara xubnaha matalaya hal dowlad-goboleed. Fadhiyada gol kasta waxaa shirguddoominaya guddoomiyaha golaha. Haddii uusan joogin, waxaa beddelaya guddoomiye ku-xigeenka koowaad, ka dibna guddoomiye ku-xigeenka labaad. Haddii dhammaantood maqan yihiin, waxaa shirguddoominaya xubinta lagu qeexay xeer-hoosaadka golaha.
English

Not available.

Questions & Comments (0)