Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Koowaad: Qodobbo Guud
Somali (Original)

Qodobka 84aad: Xeer Hoosaadyada Baarlamaanka Federaalka

1) Si waafaqsan xeer hoosaadka wadajirka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare wuxuu mid walba goonidiis u sameysanayaa xeer hoosaadkiisa, kaas oo uu ku nidaaminayo habsami u socodka hawlihiisa.

(2) Kulammada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare iyo guddiyadooduba waa inay u furanyihiin dhegeysiga dadweynaha si loo xaqijiyo mabaadida daahfurnaanta, marka laga reebo xaaladaha ay lagama maarmaan nogonayso in goluhu yesho fadhiyo ay albaabadu u xiranyihiin si loo ilaaliyo xaqa qofeed ama danta qaranka kaas oo uu qeexayo xeer hoosaadkiisu.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mid walba wuxuu yeelanayaa xeer-hoosaad u gaar ah oo nidaaminaya habsami u socodka hawlihiisa, iyadoo la raacayo xeer-hoosaadka wadajirka ah ee Baarlamaanka Federaalka. Kulammada labada gole iyo guddiyadoodu waa inay u furnaadaan dadweynaha si loo xaqiijiyo daahfurnaanta iyo in shacabka ay la socdaan hawlaha Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la qaban karaa kulammo albaabadu u xiran yihiin marka ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo xogta gaarka ah ee qof ama danta qaranka, iyadoo la raacayo xeer-hoosaadka golaha ay khusayso.
English

Not available.

Questions & Comments (0)