Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Koowaad: Qodobbo Guud
Somali (Original)

Qodobka 83aad: Xasaanadda Iyo Xuquuqda Xubnaha Baarlamaanka Federaalka

(1) Xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto golaha iyo guddiyadiisa.

(2) Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ama Golaha Aqalka Sare, Xildhibaanka laguma oogi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale oo u gaar ah, haddaan lagu gaban isagoo faraha kula jira faldembiyeed, sharci ahaan khasab ay tahay in la qabto.

(3) Dacwadaha aan cigaabta ahayn ee ka dhanka ah xildhibaanka waxaa la furi karaa iyada oo aan loo baahnayn oggolaanshaha golaha uu ka tirsanyahay.

(4) Gunnooyinka İyo daryeelka kale ee xaqa u leeyihiin xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa toos looga bixinayaa khasnadda dhexe ee dawladda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya laguma ciqaabi karo fikrad ama cod uu ka dhiibto golaha ama guddiyadiisa marka uu gudanayo waajibaadkiisa. Xildhibaanka laguma soo oogi karo dacwad ciqaabeed, laguma xiri karo, lamana baari karo isaga, hoygiisa ama meelaha kale ee gaarka u ah isaga oo aan oggolaansho laga helin golaha uu ka tirsan yahay. Hase yeeshee, haddii lagu qabto isaga oo fal-dembiyeed ku jira, sharciguna farayo in la qabto, waa la qaban karaa. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee ka dhanka ah xildhibaanka waxaa la furi karaa iyada oo aan oggolaansho laga raadin golihiisa. Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin xildhibaannadu waxaa si toos ah looga bixinayaa khasnadda dhexe ee dowladda.
English

Not available.

Questions & Comments (0)