Qodobka 82aad: Dhaarta Xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka
Xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa kulankooda ugu horreeya dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ama garsoore uu usoo igmado, waxa ayna marayaan dhaartan: "Aniga oo ah _______________________________________, waxaan ku dhaaranayaa magaca llaahay inaan daacad ugu noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; dhawrana una hoggaansamo Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka dalka; iyo inaan u guto waajibaadkayga xildhibannimo oo ay ka midyihiin matalaadda, xeerdejinta iyo kormeerka si hufnaan, sharaf, xilkasnimo iyo mas'uuliyad ay ku jirto".
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
