Qodobka 81aad: Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa arrimaha soo socda midkood: (a) Geeri; (b) Iscasilaad uu xildhibaanku si rasmi ah ugu gudbiyo guddoomiyaha golaha uu ka tirsanyahay, si goraal ahna looga aqbalo; (c) Xilgudasho la'aan joogta ah sababo la xiriira mid jireed ama maskaxeed, oo uu caddeeyay dhakhtar takhasus u leh oo la aqoonsayahay: (d) Ka maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga iyada oo aanay jirin cudurdaar maangal ah. (e) Xukun maxkamadeed oo kamadambays ah, oo gaaraya ugu yaraan shan (5) sano oo xabsi ah; iyo (i) Aqbalaadda xil kale oo dawladeed ee heerarka kala duwan ee dawladda.
(2) Sababaha lagu luminayo xubinnimada ku xusan faqradda 1 (c) iyo (d) ee qodobkan waxaa loo baahanyahay aqlabiyadda golaha uu ka tirsanyahay.
(3) Haddii xubin ka mid ah goleyaasha Baarlamaanka Federaalka booskeedu bannaanaato, habraaca buuxinta booska bannaan waxaa loo raacayaa Xeerka Doorashooyinka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
