Qodobka 80aad: Shuruudaha Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
(1) Xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waxaa loo dooran karaa qof kasta, oo soo buuxiya shuruudaha soo socda: (a) Muwaaddin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (b) Xuquuqdiisa muwaaddinnimo go' aan maxkamadeed lagu hakin shantii sano ee ugu dambaysay, maxkamadina ayna si kamadambays ah ugu xukumin dembi ciqaabtiisu gaarsiisantahay shan (5) sano; (c) Dhimirkiisu dhanyahay; (d) Da'diisu tahay labaatan iyo shan (25) jir haddii uu u sharraxanyahay Golaha Shacabka ama soddon (30) jir haddii uu u sharraxanyahay Golaha Aqalka Sare, codbixiye ahaanna u diiwaangashanyahay; (e) Leeyahay aqoon heer jaamacadeed, oo la aqoonsanyahay ama waaya-aragnimo u dhiganta; (f) In musharraxa Golaha Shacabku leeyahay waaya-aragnimo shaqo ugu yaraan saddex sano, halka musharraxa Golaha Aqalka Sare leeyahay waaya-aragnimo shago ugu yaraan shan sano; (g) Ku sifoobo daacadnimo iyo ammaano; (h) Ugu yaraan in uu dalka sii deggenaa labo sano ka hor maalinta doorashada la qabanayo; iyo (i) Uu xubin ka yahay xisbi siyaasadeed oo ka diiwaangashan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
(2) Ka hor inta aan qofka la oggolaan musharraxnimadiisa, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka İyo Soohdimaha waa inuu hubiyo in musharraxu buuxiyey shuruudaha ku cad qodobkan.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
