Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Koowaad: Qodobbo Guud
Somali (Original)

Qodobka 79aad: Tirada Xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka

(1) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ka koobanyahay Golaha Shacabka oo laba boqol toddobataan iyo shan (275) xildhibaan ah iyo Golaha Aqalka Sare oo konton İyo afar (54) xildhibaan ah oo laga soo dooranayo 18 kii gobol ee dalka.

(2) Tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare waa in ay matalaad isudheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

(3) Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo si nabad iyo dimuquraadiyad ah, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Aqalka Sare ah inta uu noolyahay haddii aan maamuus kaxayuubin lagu samayn iyadoo aanay muddadii xilhayntiisu dhammaan si waafaqsan Qodobka 113aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaannadana dheeraad ayuu ka yahay.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay laba gole: Golaha Shacabka oo leh 275 xildhibaan iyo Golaha Aqalka Sare oo leh 54 xildhibaan, kuwaas oo laga soo dooranayo 18-kii gobol ee dalka. Tirada xubnaha labada gole waa inay xaqiijisaa matalaad isu dheellitiran oo dhammaan qaybaha bulshada ah. Qof kasta oo soo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marka uu xilka uga dego si nabad ah oo dimuqraadi ah, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Aqalka Sare inta uu nool yahay, isaga oo aan ka mid ahayn tirada caadiga ah ee 54-ka xildhibaan. Si kastaba ha ahaatee, xuquuqdan ma khusayso qof xilka laga qaaday ka hor dhammaadka muddadiisa, iyadoo la raacayo Qodobka 113aad ee Dastuurka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)