Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Koowaad: Qodobbo Guud
Somali (Original)

Qodobka 78aad: Xilka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka

(1) Xubin kasta, oo ka mid ah goleyaasha Baarlamaanka Federaalka marka ay waajibaadkeeda gudaneyso waa in ay ku shaqaysaa sida ay ku jirto danta ummadda iyo qaranka Soomaaliyeed.

(2) Xubin kasta, oo ka mid ah Golaha Shacabka, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda si waafaqsan faqradda 1aad ee qodobkan, waxaa xil gaar ah ka saaranyahay matalaadda dhammaan muwaaddiniinta oo idil, gaar ahaan degaanka laga soo doortay iyada oo aan loo eegin siyaasadda uu raacsanyahay iyo xisbiga uu ka tirsanyahay midna.

(3) Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa xil gaar ah ka saaranyahay matalaadda danaha dawlad goboleedka ay matalayso iyo in ay ilaaliso nidaamka federaalka, iyada oo ahmiyad sare sineysa iskaashiga ka dhaxeeya dawlad goboleedyada dhexdooda iyo dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka, kuna shaqeyneysa dareen qarannimo.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Xubin kasta oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inay waajibaadkeeda u gudataa iyadoo mudnaanta siinaysa danta guud iyo qaranka Soomaaliyeed. Xubnaha Golaha Shacabka waxaa waajib ku ah inay matalaan dhammaan muwaadiniinta, gaar ahaan dadka degaanka ay ka soo doorteen, iyaga oo aan ku salayn matalaaddooda siyaasadda ama xisbiga ay ka tirsan yihiin. Xubnaha Golaha Aqalka Sare waxay si gaar ah u matalaan danaha dowlad-goboleedyada ay ka socdaan. Waxaa sidoo kale waajib ku ah inay ilaaliyaan nidaamka federaalka, xoojiyaan iskaashiga dowlad-goboleedyada dhexdooda iyo kan kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyagoo mar walba tixgelinaya danta qaranka Soomaaliyeed.
English

Not available.

Questions & Comments (0)