Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 5: NIDAAMKA FEDERAALKA IYO BAAHSANAANTA AWOODDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 5: THE FEDERAL SYSTEM AND DISTRIBUTION OF POWERS OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Astaynta Awoodaha ee Heerarka kala duwan ee Dawladda
Somali (Original)

Qodobka 74aad: Habraaca Soo Dhexgalka Dawladda Federaalka

(1) Dawladda Federaalku waa inay ku wargalisaa dawlad goboleedka ay khuseyso, iyada oo faahfaahinaysa sababaha maangalka ah ee soo dhexgalka.

(2) Dawladda Federaalku waa inay la tashato hoggaanka dawiad goboleedka, oo ay raadiso xal inta aanay qaadin tallaabooyinka soo dhexgalka.

(3) Markii ay jirto xaalad degdeg ah oo ayna suurtagal ahayn talawadaagga, Dawladda Federaalku waxay gaadi kartaa tallaabo degdeg ah, laakiin waa in tallaabadaas uu dib-u-eegis ku sameeyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka muddo afar iyo toban (14) maalmood gudahood ah.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Ka hor inta aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhexgelin arrimaha dowlad-goboleed, waa inay dowlad-goboleedka ay khusayso u sheegtaa sababaha cad ee tallaabadaas keenaya. Sidoo kale, waa inay la tashataa hoggaanka dowlad-goboleedka, iskuna daydaa in xal lagu gaaro wada-hadal ka hor inta aan tallaabo la qaadin. Haddii ay jirto xaalad degdeg ah oo aanay suurtagal ahayn in wada-hadal la sameeyo, Dowladda Federaalka waxay qaadi kartaa tallaabo degdeg ah. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadaas waa in Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib u eego muddo 14 maalmood gudahood ah.
English

Not available.

Questions & Comments (0)