Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 5: NIDAAMKA FEDERAALKA IYO BAAHSANAANTA AWOODDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 5: THE FEDERAL SYSTEM AND DISTRIBUTION OF POWERS OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Astaynta Awoodaha ee Heerarka kala duwan ee Dawladda
Somali (Original)

Qodobka 75aad: Xaddidaadda Soo Dhexgalka Dawladda Federaalka

1) Soo dhexgalka Dawladda Federaalku waa in uu noqdo mid kumeelgaar ah, oo waafaqsan baahida loo qabo in dib loo soo celiyo nabadda, amniga, ama nidaamka dastuuriga ee dawlad goboleedka.

(2) Dawladda Federaalku waa inay ixtiraamto dawlad goboleedka oo aanay isku dayin inay wax-kabeddesho qaabdhismeedka siyaasadeed, dhaqaale, ama maamul ee dawiad goboleedka, marka laga reebo xaaladaha lagama maarmaanka ah si loo soo celiyo maamulka dastuuriga ah.

(3) Soo dhexgalku waa in uu joogsadaa isla marka la xalliyo sababaha keenay soo dhexgalka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Soo dhexgalka Dowladda Federaalka ee dowlad-goboleed waa inuu noqdaa mid ku-meel-gaar ah, oo ku kooban inta loo baahan yahay si loo soo celiyo nabadda, amniga ama nidaamka dastuuriga ah ee dowlad-goboleedka. Inta ay soo dhexgalka waddo, Dowladda Federaalka waa inay ixtiraamtaa dowlad-goboleedka, kana fogaataa beddelidda qaab-dhismeedkiisa siyaasadeed, dhaqaale ama maamul, marka laga reebo isbeddellada lagama maarmaanka u ah soo celinta maamulka dastuuriga ah. Soo dhexgalka waa in la joojiyaa isla marka la xalliyo xaaladdii sababtay.
English

Not available.

Questions & Comments (0)