CUTUBKA 5: NIDAAMKA FEDERAALKA IYO BAAHSANAANTA AWOODDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 5: THE FEDERAL SYSTEM AND DISTRIBUTION OF POWERS OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Astaynta Awoodaha ee Heerarka kala duwan ee Dawladda
Somali (Original)
Qodobka 70aad: Awoodaha u Gaarka ah Dawladaha Hoose
(1) Dawladaha hoose waxay yeelanayaan awoodo u gaar ah ee ku xusan Jadwalka Labaad (D) ee Dastuurka.
(2) Dawladaha hoose waxay mas'uul ka yihiin dejinta siyaasadaha, xeernidaamiyeyaasha, halbeegyada, la socodka, maalgelinta iyo fulinta awoodahooda u gaarka ah.
English
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Somali
Dowlad kasta oo hoose waxay leedahay awoodaha u gaarka ah ee ku qeexan Jadwalka Labaad (D) ee Dastuurka. Waxay mas’uul ka tahay dejinta siyaasadaha, xeer-nidaamiyeyaasha iyo halbeegyada la xiriira awoodahaas, iyo sidoo kale la socodka, maalgelinta iyo fulintooda.
English
Not available.
