CUTUBKA 5: NIDAAMKA FEDERAALKA IYO BAAHSANAANTA AWOODDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 5: THE FEDERAL SYSTEM AND DISTRIBUTION OF POWERS OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Astaynta Awoodaha ee Heerarka kala duwan ee Dawladda
Somali (Original)
Qodobka 69aad: Awoodaha u Gaarka ah Dawlad Goboleedyada
(1) Dawlad goboleedyadu waxay yeelanayaan awoodo u gaar ah ee ku xusan Jadwalka Labaad (C) ee Dastuurka.
(2) Dawlad goboleedyadu waxay mas'uul ka yihiin dejinta xeerarka, siyaasadaha, xeernidaamiyeyaasha, halbeegyada, la socodka, maalgelinta lyo fulinta awoodohooda u gaarka ah.
English
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Somali
Dowlad-goboleed kastaa wuxuu leeyahay awoodaha u gaarka ah ee ku qeexan Jadwalka Labaad (C) ee Dastuurka. Dowlad-goboleedyadu waxay mas’uul ka yihiin dejinta sharciyada, siyaasadaha, xeer-nidaamiyeyaasha iyo halbeegyada la xiriira awoodahaas, iyo sidoo kale la socodka, maalgelinta iyo fulintooda.
English
Not available.
