Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 5: NIDAAMKA FEDERAALKA IYO BAAHSANAANTA AWOODDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 5: THE FEDERAL SYSTEM AND DISTRIBUTION OF POWERS OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Astaynta Awoodaha ee Heerarka kala duwan ee Dawladda
Somali (Original)

Qodobka 68aad: Awoodaha Wadaagga ah

(1) Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada waxay wadaagayaan awoodaha iyo waajibaadka ku xusan Jadwalka Labaad (B) ee Dastuurka.

(2) Awoodaha la wadaago ee ku xusan fagradda laad ee godobkan, mas'uuliyadda dejinta xeerarka, siyaasadaha, xeernidaamiyeyaasha, halbeegyada iyo la socodka waxaa u xilsaaran Dawladda Federaalka.

(3) Dhaqangelinta iyo fulinta awoodaha la wadaago goboleedyada.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay wadaagaan awoodaha iyo waajibaadka ku qeexan Jadwalka Labaad (B) ee Dastuurka. Dowladda Federaalka ayaa mas’uul ka ah dejinta sharciyada, siyaasadaha, xeer-nidaamiyeyaasha iyo halbeegyada la xiriira awoodahaas, iyo la socodka fulintooda. Dowlad-goboleedyaduna waxay mas’uul ka yihiin hirgelinta iyo fulinta awoodaha la wadaago.
English

Not available.

Questions & Comments (0)