Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 5: NIDAAMKA FEDERAALKA IYO BAAHSANAANTA AWOODDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 5: THE FEDERAL SYSTEM AND DISTRIBUTION OF POWERS OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: iskaashiga Heerarka Dawladda
Somali (Original)

Qodobka 65aad: Xiriirka Iskaashi ee u Dhexeeya Heerarka kala duwan ee Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

(1) Dhammaan heerarka dawladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa in ay dhawraan, una hoggaansamaan Dastuurka Federaalka, iyaga oo aan isasiinayn awood ka baxsan midda uu Dastuurka Federaalka u asteeyay.

(2) Heer kasta oo dawladeed, ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya, waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan.

(3) Heer kasta oo dawladeed waa in uu tigeliyaa, ilaaliyaana xadka awoodaha loo asteeyay iyo awoodaha ay leeyihiin heerarka kale ee dawladda, waana in uu: (a) La yeeshaa heerarka kale ee dawladda xurmayn iyo xiriir walaaltinimo oo waxku-ool ah, kana shageeyaa midnimada iyo wadajirka shacabka; (b) Ku wargeliyaa hay'adaha kale siyaasadaha iyo hawlaha uu ka fulinayo degaannadooda kuwaas oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale; İyo (c) Dejiyo siyaasado u adeegaya qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed oo wadajir ah.

(4) Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirka iskaashi ee Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, waa in la joogteeyo wadashaqeyn wanaagsan si sare loogu qaado: (a) Xoojinta midnimada qaranka; (b) Amniga iyo nabadda; (c) Horumarinta dhaqandhaqaale ee qaranka iyo siyaasadaha ganacsiga ee dalka; (d) Kor u qaadidda daryeelka iyo horumarinta dhaqaalaha dadka; (e) Wadaagidda xogta ee heerarka kala duwan ee dawladda; iyo (f) Dejinta siyaasadaha iyo halbeegyada federaalka iyo dhaqangelintooda ee la xiriira awoodaha wadaagga ah.

(5) Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya xeer qeexaya dhisidda hay'ado iyo dejinta habraacyo fududeynaya wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dawladda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dhammaan heerarka dowladda Soomaaliya waa inay ixtiraamaan oo u hoggaansamaan Dastuurka Federaalka, iyaga oo aan qaadan awood aanu Dastuurku siin. Heerarka dowladda, ha ahaadaan kuwo isku heer ah ama kuwo kala sarreeya, waa inay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan, ixtiraamaanna awoodaha iyo waajibaadka midba midka kale. Heer kasta oo dowladeed waa inuu la shaqeeyaa hay’adaha kale si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka. Waa inuu sidoo kale hay’adaha kale la wadaagaa xogta ku saabsan siyaasadaha iyo hawlaha uu fulinayo ee saameyn kara deegaannadooda, isla markaana laga wada shaqeeyaa qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed. Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waa inay si joogto ah uga wada shaqeeyaan xoojinta midnimada qaranka, amniga iyo nabadda, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyo daryeelka bulshada. Waa inay sidoo kale wadaagaan xogta, isla markaana si wadajir ah u dejiyaan una hirgeliyaan siyaasadaha iyo halbeegyada federaalka ee khuseeya awoodaha ay wadaagaan. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaraya sharci qeexaya hay’adaha iyo habraacyada lagu fududeynayo iskaashiga iyo wada shaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda.
English

Not available.

Questions & Comments (0)