Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 5: NIDAAMKA FEDERAALKA IYO BAAHSANAANTA AWOODDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 5: THE FEDERAL SYSTEM AND DISTRIBUTION OF POWERS OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: iskaashiga Heerarka Dawladda
Somali (Original)

Qodobka 66aad: Heshlisyada iskaashiga ee Heerarka Dawladda

(1) Dawlad goboleedyadu waxay geli karaan heshiisyo iskaashi dhexdooda ah ama heshiisyo iskaashi oo u dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, kuwaas oo aan ka hor imaanayn Dastuurka Federaalka.

(2) Heshiisyada leh saameyn siyaasadeed, dhaqaale guud ee u dhexeeya Dawladda Federaalka ivo dawlad goboleedyada waxay u baahanyihiin ansixinta Baarlamaanka Federaalka. Halka golaha wakiillada dawlad goboleedyada ay ansixinayaan heshiisyada u dhexeeya dawlad goboleedyada ee aan ka hor imanayn Dastuurka Federaalka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dowlad-goboleedyadu waxay heshiisyo iskaashi la geli karaan dowlad-goboleedyo kale ama Dowladda Federaalka, haddii heshiisyadaasi aysan ka hor imaanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Heshiisyada Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee saamayn ku leh siyaasadda ama dhaqaalaha guud ee dalka waa in uu ansixiyaa Baarlamaanka Federaalka. Dhanka kale, heshiisyada dhex mara dowlad-goboleedyada waxaa ansixinaya goleyaasha wakiillada ee dowlad-goboleedyada ay khusayso, haddii heshiisyadu waafaqsan yihiin Dastuurka Federaalka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)