Qodobka 58aad: Shuruudaha Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha
(1) Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka mid noqon kara qof kasta oo buuxiya shuruudahan soo socda: (a) in uu yahay muwaaddin; da'diisuna ka yareyn soddon iyo shan (35) sano; (b) in uu leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan; (c) In uu haysto shahaado jaamacadeed oo la aqoonsanyahay; iyo (d) in uu leeyahay ugu yaraan toban (10) sano waaya-aragnimo maamul ama sharci.
(2) Xubinnimada guddiga looma magacaabi karo dadka soo socda: (a) Qof ka tirsan xisbi siyaasadeed; (b) Qof ay maxkamad ku ridday xukun kamadambays ah oo ay ciqaabtiisu gaarsiisan tahay shan (5) sano; (c) Qof kasta oo ka haya xil dawladeed hay'adaha dawladda ee heer federaal iyo heer dawlad gobaleed xilliga magacaabista ama lixdii bilood ee ka horreysay; iyo (d) Qof kasta oo ay ka mamnuucaan xeerarka Dawladda Federaalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
