Qodobka 59aad: Xilwaayidda Xubnaha Guddiga
Xubnaha Guddigu waxay xilkooda ku waayi karaan oo keliya arrimaha soo socda midkood:
(1) Geeri;
(2) Istiqaalad qoraal ah oo uu u gudbiyey guddiga lagana aqbalo;
(3) Xilgudasho la'aan joogta ah sababo la xiriira mid jireed ama maskaxeed oo uu caddeeyey dhakhtar takhasus u leh oo la agoonsanyahay;
(4) Xukun maxkamadeed oo kamadambays ah ee ku xusan Qodobka 58aad faqraddiisa 2aad xarafka (b);
(5) Aqbalaadda xil kale oo dawladeed;
(6) Muddada xilhaynta oo dhammaata; iyo
(7) Arrin kasta oo kale, oo lagu xuso Dastuurka ama xeerarka kale ee Dawladda Federaalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
