Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 4: MATALAADDA SHACABKA
(CHAPTER 4: REPRESENTATION OF THE PEOPLE)
Madaxa Afaraad: Maamulka Doorashooyinka
(Part Four: Election Administration)
Somali (Original)

Qodobka 57aad: Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

(1) Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu ka koobanyahay siddeed iyo toban (18) xubnood, oo uu soojeedinayo Golaha Waslirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo la soo tashaday hay'adaha ay khuseyso, Baarlamaanka Federaalkuna uu ansixiyo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda meelmariyo xeer madaxweyne.

(2) Guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka guddiga waxaa iska dhexdooranaya xubnaha guddiga.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu ka koobnaanayaa 18 xubnood. Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo magacaabaya xubnaha, ka dib marka uu la tashado hay’adaha ay khusayso. Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixinaya xubnaha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaana si rasmi ah ugu magacaabaya xeer Madaxweyne. Xubnaha guddiga ayaa dhexdooda ka dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga.
English

Not available.

Questions & Comments (0)