Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 4: MATALAADDA SHACABKA
(CHAPTER 4: REPRESENTATION OF THE PEOPLE)
Madaxa Afaraad: Maamulka Doorashooyinka
(Part Four: Election Administration)
Somali (Original)

Qodobka 56aad: Xilka iyo Waajibaadka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka lyo Soohdimaha

(1) Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa xilkiisa iyo waajibaadkiisa ka mid ah: (a) in uu maamulo, la socdo, xaqiijiyo habsami-usocodka, xalaalnimada iyo hufnaanta, doorashooyinka heerarka kala duwan ee dawladda iyo in uu ku dhawaaqo natiijada doorashooyinka; (b) in uu si joogta ah u diiwaangeliyo codbixiyeyaasha doorashooyinka oo dhan; (c) in uu diyaariyo, abaabulo, fududeeyo, qabto heerarka kala duwan ee doorashooyinka guud; (d) in uu si joogta ah u diiwaangeliyo ururrada ama xisbiyada siyaasadeed iyo musharraxiinta doorashooyinka guud ee heerarka kala duwan; (e) in uu soohdimeeyo degaan doorashooyinka, si xilliyeysanna u asteeyo xarumaha codbixinta; (f) in uu dejiyo hab dhaqanka doorashooyinka ee musharraxiinta iyo xisbiyada siyaasadda; (g) in uu cayimo tirada iyo goobaha codbixinta ee dalka; (h) in uu diyaariyo, maamulana agabka doorashada iyo goobaha codbixinta; (i) in uu sameeyo daraasad iyo khariidado la xiriira astaynta soohdimaha deegannada, asagoo kaashanaya khuburro; ii) in uu u soojeediyo talooyin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sidil loo soohdimeeyo xuduudaha degaannada, asagoo tixgelinaya xogta: dadka, dhulka, xaaladda siyaasadeed ivo kan dhaqan, si uu baarlamaanku go'aan uga gaaro arrimaha xuduudaha; iyo (k) in uu fuliyo hawl kasta ee kale oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka lyo soohdimaha, oo ku xusan Dastuurka ama xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa mas’uul ka ah maamulka iyo kormeerka doorashooyinka heerarka kala duwan ee dowladda, xaqiijinta inay si hufan oo sharci ah u dhacaan, iyo ku dhawaaqista natiijooyinka doorashada. Guddigu wuxuu si joogto ah u diiwaangelinayaa codbixiyeyaasha, ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed, iyo musharraxiinta, wuxuuna diyaarinayaa, abaabulayaa oo qabanqaabinayaa doorashooyinka guud. Guddigu wuxuu sidoo kale dejinayaa hab-dhaqanka doorashooyinka ee musharraxiinta iyo xisbiyada siyaasadeed, go’aaminayaa tirada iyo goobaha codbixinta, isla markaana diyaarinayaa agabka iyo xarumaha doorashada. Wuxuu xaddidayaa deegaannada doorashada, wuxuuna waqtiyo cayiman asteeyaa goobaha codbixinta. Dhanka soohdimaha, Guddigu wuxuu samaynayaa daraasado iyo khariidado lagu qiimeynayo xuduudaha deegaannada, isagoo la kaashanaya khubaro. Wuxuu sidoo kale Baarlamaanka Federaalka u soo jeedinayaa talooyin ku saabsan xuduudahaas, iyadoo la tixgelinayo tirada dadka, dhulka, xaaladda siyaasadeed iyo dhaqanka, si Baarlamaanku go’aan uga gaaro. Guddigu wuxuu sidoo kale gudanayaa waajibaad kasta oo kale oo la xiriira doorashooyinka iyo soohdimaha, sida ku cad Dastuurka iyo shuruucda Soomaaliya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)