Qodobka 53aad: Shuruudaha Xisbiyada Siyaasadeed
(1) Xisbi siyaasadeed kasta waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda: (a) In uu ilaaliyaa, ku dhaqmaa, adkeyaa, horumariyaana midnimada Jamhuuriyadda; (b) In uu u hoggaansamaa Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo talinta sharciga; (c) In uu u taaganyahay xurmaynta, gaddarinta, horumarinta iyo difaaca xuquuqda aadanaha; (d) In uu u hoggaansamaa mabaadl'da dimugraadiyadda iyo maamulwanaagga; (e) In uu xaqiijiyaa matalaadda dadweynaha oo loo dhanyahay siiyaanna mudnaan gaar ah beelaha laga tirada badanyahay iyo dadka naafada ah ay ku leeyihiin xubinnimada iyo hoggaamintaba; (f) In uu siiyo mudnaan gaar ah haweenka; iyo (g) In uu maraa habraaca diiwaangelinta xisbiyada iyo xurmaynta xeerdhaqanka xisbiyada siyaasadeed.
(2) Waxaa reebban xisbi kasta oo: (a) Qarsoodi ah, qaab clidan ama ciidan u yaalle ah ama u abaabulan colaad si ujeeddooyinkiisu ku gaaro, ama u hubeysan in xukun uu ku qabsado, ama leh magac ama astaan gabiil; (b) U ololeeya kalagoynta dalka iyo iskudirka bulshada; (c) Adeegsada maaliyad ka timid ilo aan sharci ahayn; iyo (d) Adeegsada hanti dawladeed ama la yimaada fal laaluush iyo musuqmaasuq, si uu u gaaro dano gaar ah.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
