Qodobka 51aad: Codbixiyaha
(1) Muwaaddin kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamayo, gaarayna da'da siddeed İyo toban (18) sano wagtiga diiwaangelinta, wuxuu xaq u leeyahay in uu isdiwaangeliyo, si uu u codeeyo.
(2) Codbixiyeyaasha diiwaangashan waxay, si siman, xaq ugu wadaleeyihiin dhiibashada codkooda, waana in la ilaaliyo rabitaankooda iyo kalsoonidooda.
(3) Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka İyo Soohdimaha wuxuu mas'uul ka yahay diiwaangelinta isagoo diyaarinaya diiwaanka codbixiyeyaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(4) Dadka aan xaqa u lahayn diiwaangelintu waa: (a) Dadka aan dhimirkoodu dhammayn; iyo (b) Qof ay maxkamad awood u leh ku ridday xukun kamadambays ah oo la xiriira dembi doorasho shantii (5) sano ee la soo dhaafay ama maxkamaddaasi ay ka mamnuucdo xaqa codaynta, ama dembi uu galay awgeed xabsi uu ku jiro.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
