Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 4: MATALAADDA SHACABKA
(CHAPTER 4: REPRESENTATION OF THE PEOPLE)
Madaxa Labaad: Doorashooyinka
(Part Two: Elections)
Somali (Original)

Qodobka 47aad: Mabaadi'da Guud ee Doorashooyinka

Mabaadida guud ee nidaamka doorashooyinku waa in ay ahaadaan kuwo:

(1) Xor ah, caddaalad ah, codkuna qarsoodi yahay, oo ka maran: takoor, eex, musuqmaasuq, cabsigelin, hanjabaad, marinhabaabin iyo faragelin nooc kasta oo ay tahay.

(2) Dammaanadqaada xuquuqda siyaasadeed ee muwaaddinka sida ku xusan Qodobka 21aad ee Dastuurka.

(3) Sugaya geeddisocodka doorashada, oo si sahlan loo fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba, uuna fulinayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

(4) Dammaanadqaadaya in dhammaan muwaaddinlinta buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamayo ay leeyihiin xaqa dhiibashada codkooda si siman.

(5) Xeer ku salaysan, geeddisocodkiisana loo maareeyey, loona korjoogteeyey si madaxbannaan oo sugaya hab daahfuran oo isla xisaabtan leh.

(6) Hubinaya in aan lagu xadgudbin midnimada Jamhuuriyadda iyo bulshada Soomaaliya.

(7) Xaqiijinaya ka çaybgalka haweenka ee goleyaasha xeerdejinta iyo xisbiyada siyaasadeed, iyadoo qoondada haweenka lagu nidaaminayo xeerar uu soo saaro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

(8) Dammaanadqaadaya in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay helaan matalaad caddaalad ah sliba dadka naafada ah.

(9) Sugaya in bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay helaan matalaad caddaalad ah, siiba beelaha laga tirada badanyahay; si loo gaaro caddaalad bulsho.

(10) Dhiirrigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, islamarkaana tixgelinaya xaaladda amni iyo tan dhaqandhaqaale ee Jamhuuriyadda.

(11) Ka hortagga hurinta colaadaha.

English

No translation available yet in English.

Related articles:

Article 21 — Qodobka 21aad: Xaqa Ka Qaybgalka Siyaasadda

(1) Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qeybqaato arrimaha siyaasadeed ee dalka, uuna sameysan karo, kana mid noqon karo xisbi siyaasadeed, loona dooran karo xil kasta, oo xisbiga gudihiisa ah, si waafaqsan xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

Read full article →

Plain-Language Explanation

Somali
Doorashooyinka Soomaaliya waa inay noqdaan kuwo xor ah, caddaalad ah, codkuna qarsoodi yahay. Waa in laga ilaaliyaa takoor, eex, musuqmaasuq, cabsi-gelin, hanjabaad, marin-habaabin iyo faragelin kasta oo saameyn karta doorashada. Nidaamka doorashadu waa inuu ilaaliyaa xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta, xaqiijiyaa in dhammaan dadka buuxiya shuruudaha sharcigu dhigayo ay si siman codkooda u dhiiban karaan, isla markaana uu yeesho xeerar iyo habraacyo cad oo si fudud loo fahmi karo. Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa mas’uul ka ah fulinta nidaamka doorashada. Geeddi-socodka doorashadu waa inuu ku dhisnaadaa sharci, si madax-bannaan loo kormeeraa, noqdaana mid daahfuran oo lagula xisaabtami karo. Doorashooyinku waa inay ilaaliyaan midnimada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed, kana hortagaan hurinta colaadaha. Waa inay sidoo kale dhiirrigeliyaan nidaamka xisbiyada badan, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya. Nidaamka doorashadu waa inuu xaqiijiyaa in haweenku ka qaybqaataan goleyaasha sharci-dejinta iyo xisbiyada siyaasadeed, iyadoo qoondadooda lagu qeexayo sharciyada Baarlamaanka Federaalku soo saaro. Sidoo kale, dhammaan qaybaha bulshada, gaar ahaan dadka naafada ah iyo beelaha laga tirada badan yahay, waa inay helaan matalaad caddaalad ah si loo xaqiijiyo caddaaladda bulshada.
English

Not available.

Questions & Comments (0)