Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 21aad: Xaqa Ka Qaybgalka Siyaasadda

(1) Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qeybqaato arrimaha siyaasadeed ee dalka, uuna sameysan karo, kana mid noqon karo xisbi siyaasadeed, loona dooran karo xil kasta, oo xisbiga gudihiisa ah, si waafaqsan xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato arrimaha siyaasadda dalka, sameysto ama ku biiro xisbi siyaasadeed, isla markaana u tartamo xil kasta oo xisbiga gudihiisa ah, iyadoo la raacayo xeerarka Soomaaliya. Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga wuxuu xaq u leeyahay inuu codkiisa dhiibto marka doorasho la qabanayo, sidoo kalena inuu isu sharaxo xil la doorto.
English

Not available.

Questions & Comments (0)