Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 4: MATALAADDA SHACABKA
(CHAPTER 4: REPRESENTATION OF THE PEOPLE)
Madaxa Koowaad: Mabaadi'da Guud ee Matalaadda Shacabka
(Part One: General Principles of Representation of the People)
Somali (Original)

Qodobka 46aad: Awoodda Shacabka

(1) Allaahu Subxaanahu wa Tacaalaa (SWT) ka sokow, awoodda isxukunku waxay ka billaabataa kuna dhammaataa shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo leh awoodda la xisaabtanka hay'adaha dawiadda ee heer kasta iyo wakiillada shacabka ee u xilsaaran maamulka dalka iyo adeegyada dadweynaha.

(2) Matalaadda shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee heer kasta oo dawladdeed waa in ay ahaataa mid furan oo loo dhanyahay, muwaaddin kastana fursad u slinayasa in uu si madaxbannaan, oo aan takoor lahayn uga qaybqaato xukunka si toos ah ama si dadban, si fududna u fahmi karo xeerarkiisa iyo habraacyadiisa.

(3) Nidaamka matalaaddu waa inuu ahaado mid ka hortegi kara qalalaase ka dhalan kara tartammada siyaasadeed iyo natiijooyinka doorashada.

(4) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa mas'uul ka ah xaqiijinta in dawlad goboleed kasta ay dhaqangeliso nidaam dimuquraadi ah oo waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Awoodda maamulka dalka waxay ka timaaddaa shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Alle (SWT) ka sarreeyo dhammaan. Shacabku waxay xaq u leeyihiin inay la xisaabtamaan hay’adaha dowladda iyo wakiillada ay u igmadeen maamulka dalka iyo bixinta adeegyada dadweynaha. Nidaamka matalaadda shacabka waa inuu noqdaa mid furan oo qof kasta oo muwaadin ah siinaya fursad siman oo uu kaga qaybqaato maamulka dalka, si toos ah ama isaga oo adeegsanaya wakiillo uu doortay. Ka qaybqaadashadu waa inay noqotaa mid xor ah oo aan takoor lahayn, halka xeerarka iyo habraacyada lagu maamulayana ay noqdaan kuwo si fudud loo fahmi karo. Nidaamka siyaasadeed iyo doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo si caddaalad ah u maareeya tartanka siyaasadeed iyo natiijooyinka doorashada, si looga hortago qalalaase iyo khilaaf ka dhasha. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah hubinta in dowlad-goboleed kasta hirgeliyo nidaam dimuqraadi ah oo waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)