Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 3: DHULKA, HANTIDA IYO DEEGAANKA
(CHAPTER 3: LAND, PROPERTY AND THE ENVIRONMENT)
Somali (Original)

Qodobka 45aad: Deegaanka

(1) Dhammaan heerarka kala duwan ee hay'adaha dawladda waxaa waajib ku ah ilaalinta, kaydinta iyo dhawrista deegaanka, iyadoo laga hortagayo xaalufinta, wasakheynta, iyo waxyeello kasta oo kale.

(2) Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta, kobcinta deegaanka iyo ka qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta iyo dhawrista khayraadka dabiiciga ah iyo deegaankaba.

(3) Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyadu waa in ay: (a) Ilaaliyaan nidaamka ka faa'iideysiga dhulka, isticmaalka, maareynta, dhawrista deegaanka iyo hantida khayraadka dabliciga ah, si aan wax u dhimayn; (b) U hawigalaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa in uu noqdo degaan dhulklisu doogeysanyahay oo dhirtuna ku hagoogantahay; (c) Shacabka ku wacyigeliyaan, kuna dhiirrigeliyaan ka qaybqaadashada maareynta, ilaalinta iyo dhawraarinta deegaanka; (d) Ilaaliyaan ugaarta, isirhayeenka iyo noocyada nafleyda kala duwan; (e) Dejiyaan nidaamyo qiimeeya ilaa heerka ay gaarsilsantahay saameeynta waxyeellada degaanka iyo u kuurgalka xaaladaha degaanka; (f) Ciribtiraan waxyaabaha deegaanka halis ku ah; (g) Qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah dib u noolaynta, dib-udhiraynta, kor u qaadidda, ilaalinta deegaanka, ka hortagga wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka Jamhuuriyadda; (h) Ka taxadaraan, kana hortagaan waxyeellada saamayn karta ama sababi karta isbeddelka cimilada; iyo (i) Maamnuucaan xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha.

(4) Dawladda Federaalkaiyo dawlad goboleedka hadba ay saameynta waxyeellada deegaanka gaartey waa in ay: (a) Qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu dhaqangalinayo ka hortagga iyo nadiifinta wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay ama lagu duugay dhulka, badda, wabiyada. iyo harooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (b) Soojeediyaan xeer oo ay xeeriyaan tallaabooyin degdeg ah oo lagama maarmaanka u ah ka hortagga wasakh ku daadinta iyo ku xabaalidda dalka, taasoo ah xeerjebin xeerka dalka iyo ku xadgudub gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo (c) Qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa mas'uulka ka ah ku daadinta ivo ku xabaalidda wasakhdaas; ha joogeen Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya gudaheeda ama meel kale.

(5) Baarlamaanka Federaaika Soomaaliya ayaa soo saaraya xeer qeexaya mabaadi'da guud ee lagu daryeelo deegaanka ee ku salaysan halbeegyo caalamiga ah ee lagu ilaalinayo, laguna dhawrayo deegaanka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dhammaan hay’adaha dowladda iyo dadka ku nool Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay ilaaliyaan deegaanka, ka hortagaan xaalufinta iyo wasakheynta, isla markaana ka qaybqaataan ilaalinta iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah. Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waa inay hubiyaan in dhulka iyo khayraadka dabiiciga ah loo isticmaalo si aan deegaanka waxyeello u geysan. Waa inay bulshada ku dhiirrigeliyaan ilaalinta deegaanka, dhowraan dhirta, duurjoogta iyo noocyada kala duwan ee noolaha, la socdaan xaaladda deegaanka, kana hortagaan waxyaabaha halista ku ah. Sidoo kale, waa inay qaadaan tallaabooyin lagu soo celinayo dhirta iyo deegaanka waxyeelloobay, lagula tacaalayo isbeddelka cimilada, laguna mamnuucayo xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha. Haddii wasakh ama sun halis ah si sharci-darro ah loogu shubo ama loogu duugo dhulka, badda, webiyada ama harooyinka Soomaaliya, Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay dhibaatadu saamaysay waa inay si degdeg ah uga hortagaan wasakhdaas, una sameeyaan nadiifin. Waa inay sidoo kale dejiyaan sharciyo ka hortagaya falalkaas, isla markaana tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka mas’uulka ka ah, lagana qaado magdhowga waxyeellada ay geysteen, xitaa haddii ay joogaan meel ka baxsan Soomaaliya. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaraya sharci qeexaya mabaadi’da guud ee ilaalinta iyo daryeelka deegaanka, iyadoo lagu salaynayo halbeegyada caalamiga ah ee arrintan khuseeya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)