Qodobka 44aad: Khayraadka Dabiiciga Ah
(1) Khayraadka dabiiciga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa hanti qaran waxaana looga faa'iideysanayaa qaab waara, oo badda iyo dhulkuba xammili karaan, oo aan wax u dhimayn shacabkana waxtar u leh.
(2) Waxaa xeer lagu dhisayaa hay'ado u xilsaaran maareynta milkiyadda iyo in khayraadka dabiiciga ah looga faa'iideysto si aan badda iyo berriga dhulka wax u dhimayn oo waxyeellana ka ilaalinaysa hantida dabiiciga ah, hay'adahaas oo ay ka mid yihiin balse aan ku koobnayn: (a) Hay'adda Macdanta; (b) Hay'adda Biyaha; (c) Hay'adda Betroolka; iyo (d) Hay'adda Ugaarta iyo Duurjoogta.
(3) Guddiga Qoondaynta iyo Wadaagga Dakhliga waa in uu sugaa in dakhliga ka vimaada hantida dabiiciga ah ay si caddaalad ah u wadaagaan Dawladda Federaalka, dawlad goboleedyada iyo dawladaha hoose ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
