Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 3: DHULKA, HANTIDA IYO DEEGAANKA
(CHAPTER 3: LAND, PROPERTY AND THE ENVIRONMENT)
Somali (Original)

Qodobka 43aad: Dhulka

(1) Allaahu Subxaanahu wa Tacaalaa (5WT] ka sokow, dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa wadajir u leh shacbiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) Dhulku waa khayraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.

(3) Dhulka waxaa lagu haysan karaa, laguna sheegan karaa si waafagsan xeerarka dhaqangalka ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(4) Dhulka waxaa lagu haysan karaa, loo adeegsanayaa, loona maamulayaa si caddaalad ah oo u agaasiman waxsoosaarid u dhulku xammili karo, waxna u dhimayn, kana soo horjeedin xeerarka dhaqangalka ka ah dalka ivo danta guud.

(5) Xukuumadda Federaalku, iyadoo la tashaneysa dawalad goboleedyada iyo ciddii kale oo ay khuseyso, waxay dejineysaa siyaasadda dhulka qaran oo lagu horumarinayo maamulka dhulka si joogto ahna dib-u-eegis loogu sameeyo, si loo xagijiyo: (a) Dhawrista deegaaneed ee u nugul waxyeellada saameeya isudheellitirnaanta xiriirka deegaaneed iyo meelaha kale ay ku jirto dan guud; (b) Ilaalinta goobaha taariikhiga ah, iyadoo loo agoonsanayo in ay yihiin dhaxal taariikhi ah; (c) In loo simanyahay fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faa'iideysiga khayraadkiisa; (d) In si sugan loo dammaanadqaado milkiyadda dhulka iyo diwaangelinta; (e) In si sugan loo xaqiljiyo in dhulka loo dheefsado si waafaqsan mabaadi'da xeerinaya isticmaalka dhulka iyadoo aan wax dhibaato ah loo geysan; (f) In xal degdeg ah oo mangal ah laga gaaro khilaafaadka ku saabsan dhuika iyo milkiyaddiisa; (g) In la xaddido inta uu la ekaan karo dhulka qof ama shirkad ay milkiyad ahaan u yeelan karto; iyo (h) In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga ee dhulka, si loo ilaaliyo xuquugda milkiilayaasha dhulalka yar leh.

(6) Dawlad goboleedyadu waxay dejinayaan siyaasad dhuleed oo heerkooda ah, oo aan ka hor imaanayn siyaasadda garan ee dhulka lyo xeerarka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

(7) Baaxadda dhulka, muddada isticmaalka iyo shuruudaha lagu bixinayo fasaxa isticmaalka dhuika waxaa lagu soo saarayaa xeer, haseyeeshe, ma jiri karto gayb ka mid ah dhulka, badda ama hawada dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo bixin karo fasax isticmaal joogto ah.

(8) Dawladda Federaalka oo keliya ayaa u fasaxi karta qof ama hay'ad shisheeye isticmaalka ama heshis kiro ah ee dhul, bad ama meel ka mid ah geyiga Jamhuuriyadda, muddo aan ka badnayn midda xeer ku cayiman, waana haddii heshliskaas ay dan guud ku jirto, islamarkaasna aan dhib ku aheyn madaxbannaanida Jamhuuriyadda, una ansixiyo Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dhulka Soomaaliya waxaa si wadajir ah u leh shacabka Soomaaliyeed, marka laga reebo lahaanshaha Alle (SWT). Dhulku waa khayraadka ugu muhiimsan dalka iyo saldhigga nolosha dadka. Qof ama shirkad waxay dhul yeelan kartaa ama isticmaali kartaa iyadoo raacaysa shuruucda Soomaaliya. Dhulka waa in si caddaalad ah oo waxtar leh loo isticmaalaa, iyadoo la ilaalinayo deegaanka, lagana fogaanayo waxyeellada iyo isticmaalka xad-dhaafka ah. Sidoo kale, waa in la dhowraa danta guud. Dowladda Federaalka, iyadoo la tashanaysa dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada ay khusayso, waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhulka. Siyaasaddani waa inay ilaalisaa deegaanka iyo goobaha taariikhiga ah, xaqiijisaa fursado siman oo lagu helo lagana faa’iidaysto dhulka, sugtaa lahaanshaha iyo diiwaangelinta dhulka, fududaysaa xalinta khilaafaadka, xaddidaa inta dhul ee qof ama shirkad yeelan karto, isla markaana nidaamisaa ganacsiga dhulka si loo ilaaliyo xuquuqda dadka leh dhulalka yar yar. Dowlad-goboleedyadu waxay dejin karaan siyaasado dhuleed oo u gaar ah, haddii aysan ka hor imaanayn siyaasadda guud ee dalka iyo shuruucda Dowladda Federaalka. Sharciga ayaa qeexaya baaxadda dhulka la isticmaali karo, muddada isticmaalka iyo shuruudaha lagu helayo oggolaanshaha. Si kastaba ha ahaatee, lama bixin karo oggolaansho isticmaal oo joogto ah oo ku saabsan qayb ka mid ah dhulka, badda ama hawada Soomaaliya. Dowladda Federaalka oo keliya ayaa qof ama hay’ad shisheeye siin karta oggolaansho ay ku isticmaasho ama ku kiraysato dhul ama bad ka tirsan Soomaaliya. Oggolaanshahaasi waa inuu ku jiraa danta guud, uusan waxyeello u geysan madaxbannaanida dalka, waana inuu waafaqaa muddada sharcigu dhigayo oo uu ansixiyaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)